Daawo: Doorashada kursiga Fahad Yaasiin oo la dalbaday in Muqdisho lagu qabto

Muqdisho (Caasimada Online) – Khaalid Muxumed Gaabane oo ka mid ahaa musharaxiintii laga hor istaagay tartanka kursiga beeshooda ee HOP086, oo Taliyihii hore ee NISA Fahad Yaasiin uu ka soo qaatay magaalada Beledweyne, ayaa soo jeediyey in doorashada kursigaas lagu qabto magalaada Muqdisho, gaar ahaan Afisyooni.

Ninkaan ayaa dhamaan dadka Soomaaliyeed ka codsaday inay ku taageerto raadinta xaqa, maadaama sida uu sheegay kursiga uu raadinayo uu yahay albaabka ay ka bilaabato cadaalad darrada doorashada boobka ah ee ka socota dalka.

“Waxaan hor taaganahay ubucdii ay ka soo baxeysay sharta iyo boobka doorashooyinka, wax kasta oo qalad ah oo doorashadaan ku saabsan xudunteeda waa kursiga HOP86 ee uu boobka iyo dhaca ku sheegtay taliyihii hore NISA, ahna la-taliyaha amniga madaxweynihii hore, Fahad Yaasiin,” ayuu yiri musharaxaan.

Khaalid Gaabane ayaa sheegay in xafiis kasta oo dowladeed ay u tageen dacwada la xariirta boobka kursigaas, balse ay ogaadeen in xafiisyada Ra’iisul Wasaaraha iyo kan guddiga doorashada federaalka intaan aheyn ay laaluush ka qaateen Fahad Yaasiin.

“Umadii oo dhan waa la iibsaday, waana la gumeeyey, cidna kaalama hadli karto xaqaagii, qof kasta wuxuu fiirsanayaa shilimaad uu jeebka ugu riday nin aan u soo dhididin lacagtaas, hadaan laga hor tegin laaluush qaatayaasha iyo kuwa laaluushka bixinaaya, khatar ayaa nagu soo wajahan,” ayuu yiri Khaalid.

Waxuu intaas ku sii daray in dad badan ay ku doodayaan in aysan jirin sabab loogu dhego kursiga Fahad Yaasiin oo kaliya, iyadoo ay jiraan kuraas badan oo sidaas oo kale loo soo qaatay, balse waxuu ku dooday in cadaalad daradaas oo dhan uu horjooge u yahay Fahad Yaasiin, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaan umadda ka codsanayaa inay garab i siiyaan, waxaan doonayaa inaan soo xirno albaabka cadaalad darrada, meesha aan beegsaneyno waa halka laga soo abaabulo cadaalad darrada doorashada iyo in la is-boobo, albaabkaas ayaan iska xireynaa, ugu yaraan waxaan qoreynaa taariikh ah in cadaalad darradii dhaceysay qeyb ka mid ah aan hor istaagnay,” ayuu yiri musharax xildhibaan Khaalid Gaabane.

Hoos ka Daawo