Amisom oo shaaca ka qaaday sababta ay ‘qad-cagaaran’ uga sameysatay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa maanta faahfaahiyey sababta ka dambeysa in qad-cagaaran ay ka dhigaan eeriyada ay ka degan yihiin magaalada Muqdisho, gaar ahaan xerada Xalane illaa garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde.

Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Danjire Francisco Madeira, oo maanta shir jaraa’id Xalane ku qabtay ayaa sheegay in qatarta amni ee jirta aysan aheyn mid la sahla karo, taasna ay sababtay in ammaanka xarumaha ilaaliyaan la adkeeyo.

Waxuu sheegay in go’aankaan aysan kaligood qaadan, balse ay kala fariisteen Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, oo sida uu shaaciyey ka balan qaaday in soo jeedintooda uu ka soo fekeri doono, go’aanka ugu haboona uu ka qaada doono.

Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya waxuu sheegay in heshiis laga gaaray cidda loo ogolaanayo inay Xalane hub la gasho iyo cidii loo diidayo, “Qof kasta oo hub la imaanaya halkaan, waa inuu sharaxo sharciyadda uu ku heysto hubka,” ayuu yiri.

Danjire Francisco Madeira ayaa intaas ku sii daray, “Tan iyo markii la sameeyey xerada Xalane waxaa jiray hanaan uu maro qofka imaanaya ama ka baxaya, ma ahan kuwa hubka wata oo kaliya, xitaa shacabka ayaa mara hanaankaan, amaanka Xalane waxay masuuliyadi ka saaran tahay AMISOM 100%.”

Francisco Madeira oo sii hadlayey ayaa yiri, “Qaar ka mid ah masuuliyiinta dowladda waxay heystaan hub culus oo noocyo kala duwan leh, tikniko iyo qoryo waaweyn, arrimaha hubkana waa in loo raacaa hanaanka uga degan xerada Xalane.”

“Arrintaan waxaan dhawaan kala xaajoonay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, waxuu noo sheegay in arrintaas uu fiirinayo, isla markaana uu ka qaadan doono go’aanka ku haboon,” ayuu yiri Francisco Madeira Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya.

Waxuu sheegay inay jiraan masuuliyiin loo ogolyahay inay hub la galaan Xalane, laakiin looga baahan yahay inay nidaamka loo dejiyey raacaan, isla markaana ammaanka aagaas oo aad loo adkeeyey aysan Qatar gelin.

“Halkaan waxaa ku yaalla kaabayaal badan oo muhiim ah iyo goobo xasaasi ah, kuwaas oo AMISOM oo kaliya aysan laheyn, xataa dowladda Soomaaliya ayaa xarumo muhiim ah ku leh Xalane, sida aad ogtihiin halkaan waxaa ku yaalla garoonka Aadan Cadde,” ayuu yiri.

Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya waxuu intaas ku sii daray, “Anagana halkaan waxaa noogu yaalla taliska koowaad ee AMISOM, kaas oo masuul ka ah ammaanka aagaan oo dhan, marka waa muhiim in anaga iyo dowladda Soomaaliya aan ka wada shaqeyno dadka halkaan hubka la imaanaya.”

Kulanka uu hadalkaan ka jeediyey Francisco Madeira oo ka dhacay gudaha xarunta Xalane waxaa ku sugnaa guddoomiyaha arrimaha siyaasadda, nabadda iyo ammaanka ee Midowga Afrika Danjire Bankole Adeoye oo dhawaan soo gaaray magaalada Muqdisho, kaas oo shalay la kulmay Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha.

Caasimada Online ayaa habeen ka hor baahisay in AMISOM ay qad-cagaaran ka sameysatay gudaha magaalada Muqdisho, gaar ahaan aagga xerada Xalane, iyagoo u baqaya ammaanka xarumahooda iyo kuwa ay ilaaliyaan.

Ammaanka Caasimadda Muqdisho ayaa hadda gacanta dowladda ka siibaxaya, waxaana weerarro toos ah todobaadyadii u dambeeyey ka geysatay kooxda Al-Shabaab, halka saraakiishii ciidamada ay ku milmeen siyaasadda cakiran ee dalka, qaarkood waxay noqdeen xildhibaano, halka qaarna ay toos uga shaqeynayaan olole doorasho.