AMISOM oo faahfaahin ka bixisay qaabka uu u dhacay dagaalkii dhex maray ciidamadooda iyo kuwa NISA

Muqdisho (Caasimadda Online) – Taliska ciidamada AMISOM ayaa War ka soo saaray dilkii habeen hore ay magaalada Muqdisho ugu geystay Askari ka tirsanaa ciidamada hay’adda Nabad Suggida Soomaaliya oo ku sugnaa Barkontorool.

Falka dilka ah ayaa waxaa geystay ciidamada dowladda Uganda ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

Taliiyaha Ciidamada Uganda Gen. Paul Lokech ayaa sheegay in shaqaaqada ay bilaabatay, markii Ciidamada AMISOM loo diiday inay maraan wadada, kaddibna ay la hadleen Taliyeyaasha Nabadsugida, isla markaana intii ay wadeen xiriirka Taliyeyaasha ay rasaas ku bilaabeen ciidankii Nabadsugida.

Kolonyada Ciidamada AMISOM ee doonayay inay wadada maraan ay gaarayeen illaa 9 gaari, isla markaana kolonyadaas uu la socday Taliyaha Uganda.

Taliyaha ayaa sidoo kale xusay in israsaaseyn dhexmartay labada ciidan ay ku dhaawacmeen dad Shacab ah.

Xilliga is rasaaseynta dhaceysay ayaa waxaa magaalada Muqdisho ka jiray xaalad cakiran, kaddib weeraro iyo qaraxyo ka dhacay magaalada Muqdisho, isla markaana Ciidamada ammaanka ee dowladda ku jireen feejignaan, iyagoo xiray waddooyin badan.

AMISOM Waxa ay sheegtay in falka ay sameeyeen ciidamadooda uu u muuqday mid Isdifaacid ah.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Dowladda Soomaaliya oo ku aadan dhacdadii habeen hore is rasaaseynta ku dhex martay AMISOM iyo Nabadsugida, iyadoo ehelada askariga laga dilay ay ka dalbadeen dowladda in cadaalada la horkeeno ciidamadii AMISOM ee ka dambeeyay falkaas.

Qaar ka mid ah Eheladda Askariga ay dileen ciidamada AMISOM ayaa warbaahinta u sheegay in ay doonayaan in caddaaladda la horkeeno Askartii ciidamada AMISOM ee falkaasi ka dambeeyay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com