Anderson: Hadii uu Sir Alex Ferguson ka fariisto Man Utd dhaqaaluhu waa Allow Sahal.

Ciyaaryahanka qadka dhexe ee kooxda Manchester United Anderson ayaa saadaaliyey in kooxdu ay lumin doonto “30 ilaa 40 boqolkiiba”  heerkooda marka uu Sir Alex Ferguson ka fariisto shaqada kubada cagta.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Brazil Anderson ayaa lacag xoog leh Man Utd 2008dii uga soo biiray kooxda FC Porto, wuxuuna qabiirka hugaamiya Red Devils ku sheegay mid aabe u ah dhamaan ciyaartoyda kooxda.

“Manchester United waa Alex Ferguson. Marka uu soo dhameeyo shaqadiisa kubada cagta waxay kooxdu lumin doontaa [30 ilaa 40 boqolkiiba] wax badan ayaa isaga ku dhisan,” ayuu xidigu u sheegay TV-ga Grande Are ee xaruntiisu tahay dalka Portugal.

“Waxa uu aabe u yahay dhamaan ciyaartoyda, waa qof aad loo ixtiraamo, marka uu ciyaaraha ka fariistana kubada cagta caalamka ayaa dareemi doonta.

“Had iyo jeer wuu I caawiyaa waxaana ka qaatay sameyn weyn, wuxuu noogu yimaadaa tababarka wuxuuna doonayaa inuu ogaado sida uu yahay xaalka ciyaartoydiisa iyo qoysaskooda.”

24 jirkaan ayaa dhowaanahaan la daalaa dhacaayey dhaawacyo wuxuuna keliya toban kula saftay sanadii lasoo dhaafay.

Ferguson oo jirsaday da’da 70 ayaa shaqada maamulka Old Trafford qabtay 6dii November, 1986dii, wuxuuna kooxdiisa kula guuleystay 12 horyaal oo Premier League ah, shan FA Cup, afar League Cup iyo laba Champions League.