Liverpool oo dooneysa inay labada Manchester ka dul qaado daafaca Turino Ogbonna.

Ogbonna ayaa horay loola xiriirinaayey kooxaha xafiiltama ee Manchester United iyo Manchester City, laakiin waxaa hada wararka xanta ahi sheegayaan inay daafaca dhexe ee dalka Italy xiiseyneyso kooxda ka dhisan Anfield Stadium ee Liverpool.

24 jirkaan ayaa lasoo sheegayaa inuu u furan yahay inuu ku biiro Barclays Premier League, laakiin wuxuu qirtay inuusan ka maageyn kooxdiisa uuna ku farax san yahay.

“Waa iska caadi in lala ila xiriiriyo Liverpool, mid ka mid ah kooxaha ugu waa weyn caalamka, aad ayeyna caan u tahay,” ayuu Ogbonna u sheegay Sky Sports.

“Si kastaba, qandaraaskeyga Turino wuxuu dhamaanayaa 2016ka waxaana jeclahay inaan la joogo kooxda. Laakiin waxna ma ogaan kartid.”

Ogbonna ayaa si fiican uga soo dhex muuqday horyaalka Italian Serie A taaso keentay inay xiiseeyaan kooxaha ugu shidan horyaalka Ingiriiska.