Madaxwaynaha Soomaaliya oo Jaaliyada Soomaaliya ee Uganda kulan la qaatay.

Xasan Sheekh Maxamuud  Madaxwaynaha Soomaaliya oo ku sugan Magaalada Kampala ee Dalka Uganda ayaa xalay kulan la qaatay Jaaliyada Soomaalida ee dalkaas ku nool.

Madaxweynaha dalka Soomaaliya ayaa kulanka uu la qaatay jaaliyada wuxuu ku qotomay taageero jaaliyada ay umuujinayaan isbedelka dhanka hogaanka ah ee ka dhacay dalka Soomaaliya iyo sida ay u arkaan.

Qaar kamid ah dadkii uu kulanka la qaatay Madaxweynaha dalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxa ay kawada hadleen arimaha dalka Soomaaliya iyo sidii dib udhiska dalka ay kaga qeyb qaadan lahaayeen.

Wuxuu Madaxweynaha dalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud  jaaliyada ujeediyay qudbad ballaaran oo uu kaga hadlaayo arimo dhowr ah oo ku aadan dalka Soomaaliya.

Madaxwaynaha ayaa sheegay in jaaliyada Soomaalida ee dalka Ugandha looga baahan yahay inay ka qeyb qaataan dib udhiska dalka Soomaaliya iyo ka qeybqaadashada horumarka dalka ka socda.

Uga dambayn waxaa uu Madaxwaynaha u sheegay in dalka la xasilin doono waqti dhowna dadka qurba joogta ah dalkooda ay dib ugu soo noqon doonaan.