Aqri: Liiska wasiirada iyo wasiir ku xigeenada ay saameyn doonto iskushaandheynta Kheyre

Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxa jira xog leh kalsooni weyn oo sheegeysa in isku shaandheyn lagu sameynayo dhowaan Golaha Wasiirada Xukuumadda uu hogaamiyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre oo heer gebogebo ah maraysa , sida ay xaqiijiyeen Ilo-xogeed kala duwan waxaa jiri doona isbdel fudud oo lagu sameynayo golaha xukuumadda, iyada oo ujeedku yahay si aysan ugu baahan ansxinta Baarlamaanka,  sida uu ogolyahay xeer hoosaadku waa in uu bedeli karo ugu badnaan 25%

Isku Shaandheyntan ayaa waxaa suuragal ah in lagu dhawaaqo  iyada oo loo bandhigey ayna aqbaleen qaar kamid ah Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada oo Muqdisho uga qeyb galay shirka Amniga Qaranka, iyaga  oo kulamo kala gooni-gooni ah la qaatey Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha si gaar ah Madaxweynayaasha Maamul Goboleedka Koofur Galbeed Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland Mudane Cabdiwali Maxamed Cali Gaas.

Xogta ku saabsan isku-shaandheynta ayaa waxa ay sheegaysaa in la bedeli doono Wasiiro ay ka mid yihiin:-

  1. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federalka iyo Dibuheshiinta
  2. Wasiirka Wasaaradda Maaliyada
  3. Wasiirka Wasaaradda Dastuurka
  4. Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka
  5. Wasiirka Wasaaradda Kaluumeysiga iyo Kheyraadka Badda
  6. Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha

Sidoo kale waxa la buuxinayaa xilalkii ay banneeyeen Wasiiradii is casiley iyo Wasiirkii xilka laga qaadey:-

  1. Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo ka hortaga Musiibooyinka
  2. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Diinta iyo Awqaafta

Qorshaha Cusub waxa Kamid ah:-

  1. In la kordhiyo tirada Xildhibaanada ku jira Golaha Wasiirada
  2. In la bedelo Wasiirada uu khilaafka dhinaca shaqada ah kala dhexeeyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre
  3. In Wasiirada ku guul-dareystay in ay taageero siyaasadeed ka helaan xildhibanaada Beeshooda ay ku bixi doonaan isku shaandheynta Golaha Wasiirada
  4. In shaxda cusub ay ka tarjunto is faham ay gaareen Maamul Goboleedyada iyo dowladda dhexe Sep 2017; si gaar ah maamulada Puntland iyo Koofur Galbeed) oo si weyn u suluugsan Xubnaha ku metela dowlada dhexe
  5. In Looga hortago Mooshin la filan karo xiliga ay fasaxa ka soo noqdaan xildhibaanada BFS bartamaha BishaFebruary 2018
  6. Ma jiro doonaan xubno ka mid ah mucaaradka muuqda ee dowladda
  7. Ma jiri doonaan wax isbedel ah oo lagu samayn doono Wasiirada ka soo jeeda beelaha Hawiye marka laga reebo Wasiirka wasaaradda Caafimaadka

Wasiiro Kuxigeenadda

Waxaa jira isbedel kooban oo lagu samayn doono sida in la kordhiyo tirada Xildhibaanada iyo in la kala wareejiyo Wasiir Ku-xigeenada Khilaafka kala dhexeeyo Wasiirada ay la shaqeeyaan.

Wasiirru dowlayaasha Cusub

Sidoo kale Isbedelka Wasiiru-dowlayaasha waxaa qeyb ka noqon doona in lagu kordhiyo laba Wasiiru-Dowle oo la isku waafaqey in ay noqdaan sidan:-

Wasiirul Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ee Bii’ada iyo Deegaanka

Wasiirul Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ee Xiriirka Golayaasha

Xigasho: Ilo wareed Wargal ah oo kala duwan (Mustaqbal Radio)