Garoowe (Caasimada Online) – Ajendaha rasmiga ah ee Kalfadhiga 52-aad ee Baarlamanka Puntland ayaa la shaaciyay, kaasi oo ay kasoo muuqdeen qodobo xasaasi ah.
Ajendaha la shaaciyay ee Kalfadhiga Golaha Wakiillada Puntland ayaa waxaa ugu muhiimsan qodob la xiriira go’aan ka gaarista doorashada madax-tinimada Puntland ee 2023/2024.
Sidoo kale waxaa qeyb ka ah ajendahaan ka doodista xaaladda amniga Puntland, gaar ahaan amniga caasimadda Garoowe, oo muddooyinkii dambe ay kasoo cusboonaneysay xaaladdo amni darro.
Ka doodista xaaladda gobolka Sool oo uu ka socdo dagaalka Laascaanood ee u dhaxeeya ciidamada Somaliland iyo kuwa dadka deegaanka ee SSC ayaa sidoo kale ku jirta ajendaha la shaaciyay ee kal-fadhiga baarlamaanka Puntland.
Waxa kale oo qeyb ka ah ajendaha Kalfadhiga Golaha Wakiillada Puntland arrimaha mushaharka ciidanka iyo shaqaalaha dowlad-goboleedka Puntland, oo muddooyinkii dambe ay ka taagnaayeen cabashooyin xooggan.
Hoos ka aqriso qodobada ajendaha oo dhameystiran;
Si waafaqsan qodobka 42-aad faqradiisa 4-aad ee Xeer-hoosaadka Golaha Wakiilada Dawladda Puntland ee Kalfadhiga 52-aad ee Golaha Wakiilada Dawladda Puntland, waa sidan;
- Furitaanka Kalfadhiga 52-aad ee Golaha Wakiilada Dawladda Puntland.
- Ansixinta Ajendaha Kalfadhiga 52-aad ee Golaha Wakiadda DPL.
- Warbixinta Guddiga Joogtada ah ee Golaha Wakiilada DPL.
- Warbixinta Guddiyada Golaha Wakiilada DPL.
- Xeerarka ay Xukuumaddu soo gudbisay/gudbiso.
- Dabagalka Hirgelin la’aanta go’aamadii Golahu soo saaray.
- Ka doodidda Mushaharka Ciidanka iyo shaqaalaha Dawladda.
- Ka doodidda Xaaladda Gobolka Sool.
- Ka doodidda Amniga Puntland iyo kan caasimadda Garoowe.
- Go’aan ka gaarista arrimaha la xiriira doorashooyinka 2023/2024.
- Ansixinta Xisaab xirka Sanad-maaliyadeedka 2022-ka.