Aqriso: Su’aalihii ugu adkaa ee Fahad Yaasiin maanta lagu weydiiyey kulankii BF

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulankii Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya oo ajandihiisa ahaa maanta Dooda la xiriirta arrimaha Amniga iyo su’aalo weydiinta Wasiirada qaabilsan Amniga iyo Taliyeyaasha Ciidamada ayaa furmay.

Inkastoo kulanka uu saacado dib uga dhacay, markii uu soo dhameystirmi waayay kooramka ayaa Xildhibaanada badankood ay gadaal ka yimaadeen, waxaana furay kulanka Guddoomiye Maxamed Mursal.

Kulanka ayaa ku furmay illaa 150 Xildhibaan oo ah kooramka inta soo xaadirtay, waxaana Guddoomiye Maxamed Mursal ku dhawaaqay inuu kulanka furan yahay, isagoo ku wargeliyay Xildhibaanada in su’aalahooda aysan ka badnaa hal daqiiqo, isla markaana jawaabuhu yihiin 3 daqiiqo.

Waxaa hoolka Xarunta Baarlamaanka ku sugan Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Islow, Wasiirka Gaashaandhigga Xasan Amar Dambe, Taliyeyaasha Ciidamada sida Booliska, Milateriga, Asluubta iyo Kusimaha Taliyaha NISA.

Kusimaha Taliyaha NISA Fahad Yaasiin oo kamid ah Shakhsiyaadka Maanta ay Baarlamaanka Soomaaliya Su’aalaha waydiinayaan ayaa Xildhibaanada uga jawaabay illaa 3 Su’aal oo la waydiiyey.

Haddaba halkaan hoose ka akhriso Su’aalaha uu Fahad ka jawaabay ilaa hadda inkastoo ay weli socoto Su’aal waydiinta:

1 – Fahad Yaasiin oo wax laga waydiiyey Mushaarka Ciidamada Dowladda ee aan weli la bixin ayaa sheegay inay arrintaas tahay in wax laga waydiiyo  Hanti dhowrka iyo Wasaaradda Maaliyadda.

2 – Kusimaha Taliyaha NISA oo mar kale loogu celiyay su’aashii mushaarka Ciidamada ayuu ka codsaday xildhibaanka su’aashaas weydiiyay oo ahaa Khaliif Cabdi Cumar inuu u keeno haddii uu jiro sarkaal aan xuquuqdiisa ka qaadan Hey’adda Nabadsugidda.

3 – Fahad Yaasiin oo wax laga waydiiyey Xarigii Mukhtaar Roobow ayaa sheegay  in aanu arrintaas shaqo ku laheyn oo aanay iyagu soo qaban, markii la weydiiyayna Maxkamad maxaa loo geyn waayay, wuxuu yiri Hey’adaha Garsoorka ayay quseysaa oo ay tahay in la waydiiyo.

4 – Fahad Yaasiin ayaa sidoo kale Xildhibaanada waxay waydiiyeen Jidadka Xiran ee Magaalada Muqdisho wuxuuna ku jawaabay inuu yahay go’aan ay gaareen Hey’addaha Ammaanka oo aanay si gaar ah u quseyn Nabadsugida.

Kulanka ayaa la filayaa inuu gaaro ilaa gelinka dambe ee Maanta, waxayna hadda Xildhibaanada u baxeyn Salaad sidoo kalana wuxuu Guddoomiyaha amray in XIldhibaanada qado loogu keeno fadhiga.

Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa laba mar Xildhibaanada amray inay Taleefoonada Damiyaan kadib markii la arkay qaar ka tirsan Saxaafadda oo kulanka si toos ah u tabinayo iyagoo aan goobta joogin.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com