Arag Sawirrada: Nin dharka DUMARKA soo xirtay lana baxay Farxiya oo la qabtay

Kismaayo (Caasimadda Online) – Ciidamada Hay’adda Nabad suggida Qaranka qeybtooda degaanada maamulka Jubbaland ayaa gacanta kusoo dhigay nin xirnaa dharka dumarka,  kaasoo ku sugnaa Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

War kasoo baxay NISA ayaa lagu sheegay in Ciidamada Ammaanka xog ay heleen ay sahashay in ninkaan gacanta lagu soo dhigo, islamarkaana hadda ay ku waddaan baaritaano.

Ninkaas ayaa Saraakiisha ciidankada Nabadsugida Jubbaland waxa ay sheegeen in uu sidoo kale la baxay Magaca Farxiyo Ok, isla markaana Guri ku yaalla Magalada Kismaayo laba habeen uu la seexday laba dumar ah sida ay hadalka u dhigeen.

“Ciidamada Nabad Sugida Jubbaland ayaa xaley Gacanta Kusoo dhigey Nin Iska Dhigey Haweeney Lana Baxay Magaca Farxiyo Okey” ayaa lagu yiri hadalka kasoo baxay NISA.

Sidoo kale waxaa lagu yiri ” Ninkan Naagta Isku Ekeysiiyay ayaa Laba Habeen laseexday Guri ku yaala Xafadaha magalada kismaayo oo ay Daganayen Laba dumar ah kuwaas oo uu u sheegay In ay soo dhuntay ayna Garaneyn meel ay Tagto Baritaan kadibna waxa Gacanta ku soo dhigey Sirdonka NISA-Jubbaland”.

Caasimada Online

Xafiiska Kismaayo

Caasimada@live.com