Maamul gobolleedyada oo soo hormariyey CASHAR la rabay in la dhigo 2050-ka

Aqoonyahanada Soomaalida intooda badan waxay rumeysan yihiin inaysan weli Soomaaliya ka bixin gumeysiga maadaama gumeysigu uu u kala baxo mid maskax iyo mid Dhul.

Dadkii hore ee Soomaaliya Allaha khyeyr badan siiyo waxay in badan lasoo dagaalameyn gumeystayaashii dalka xoog ku heysan jirin, waxay ka shaqeeyeen in dhulka Soomaaliya dhammaantiis laga saaro gumeystayaashii ay ugu sareeyeen Ingiriiska iyo Talyaaniga .

Markii cadaadiska laga badiyey, dowladihii soo gumeystay Soomaaliya ayaa dalka uga tagay arrin midaas kasii daran oo ah gumeysi maskaxdeed waxayna Soomaaliya ku reebeyn dad midabka Soomaali ka ah balse ku shaqeenayaan fikradaha iyo rabitaanka gumeystaha.

Midaas waxay keentay in Soomaaliya ay muddo badan ku jirto dhibaato iyadoo laga ilaaliyo inay gaarto horumar dhaqaale iyo mid dowladeed.

Inkastoo gumeysiga dhanka Fikirka ah socday haddana waxaa Alle mahadiis ah in Soomaaliya aysan dhiman oo ay  weli nooshahay isla markaasna aan lagu guuleysan in lagala dagaalamo dhaqankooda iyo diintooda.

Haddaba gumeysiga firka ah midka ugu weyn waa midka hadda Soomaaliya lagu hayo ee ah nidaamka Federaalismka oo  loogu talagalay in Soomaaliya lagu kala qeybiyo.

Ujeedada Federalismka ee Beesha Caalamka:

Horey ayaa loo yiri Yaxaasku haddii uu kula waayo afka wuxuu kugu raadiyaa Seynta, Kuwa loogu yeero Beesha Caalamka ayaa ku fakaray in Federaalku yahay arrinta kaliya ee lagu kala jabin karo dadka Soomaaliyeed oo muddo badan kusoo jiray dhibaato iyo dagaalo sokeeyo.

Federaalka Soomaaliya laga hirgeliyey ujeedkisiisa ugu weyn waa inay Soomaaliya noqoto dal u kala qeybsan dowlado yar yar oo aan midba midda kale usoo gurman marka gumeyste ama dowlado kale ay soo weeraraan.

Beesha Caalamka ayaa ugu talgalay sanado badan kadib in la helo Soomaaliya oo u kala baxday qeybo kala duwan oo aan isku fakar iyo isku dan aheyn.

Beesha Caalamka ayaa cashirkaas usoo dhiibtay Madaxda Maamul Goboleedyada ee hadda dhibaatada weyn ku hayo Soomaaliya isla markaasna aysan jirin Shacab soo doortay iyo meel ay ka taliyaan maadaama intoo badan ay kaliya joogaan Caasimadaha isla markaasna aysan tagi karin goobaha kale oo la sheegay inuu maamulkooda ka taliyo.

Maamul Goboleedyada oo soo hormariyey cashir la rabay in la dhigo 2050!!

Cashirka loo soo dhiibay Maamul Goboleedyada waxaa moodaa inuu kasoo hormaray waqtigii loogu talgalay.

Madaxda Maamul Goboleedyada Soomaaliya ka jiro ayaa dhawaan Magaalada Kismaayo kaga dhawaaqay inay xiriirka u jareyn dowladda dhexe taasoo ah hadafka ugu weyn ee laga lahaa Federalismka.

Shanta Maamul ee Soomaaliya ka jiro marnaba macquul maahan inay la shaqeeyaan Dowlad Dhexe ileyn markii horeba looguma talagalin in la isla shaqeeyo, waxaana muuqato in Maamulada aysan adeeci doonin go’aan kasta oo dowladda dhexe kasoo baxo haddii uu ka hor imaanayo rabitaankooda iyo hadafka ay meesha u joogaan.

Waxaa is waydiin mudan haddii aysan la shaqeysaneyn dowladdii dalka madaxda u aheyd ma waxay rabaan inay noqdaan Gobolka ka mid ah Itoobiya ama Kenya?!!

Cashirkii ahaa in Soomaaliya 2050 looga dhawaaqo in Maamul Kasta uu iskiis dowlad u yahay ayaa yimid 2018 kaasoo ay soo hormariyeen madaxda Maamul Goboleedyada xilli Shacabka Soomaaliyeed ay dhagta u taagan tahay.

Waxaa Alle mahadiis ah in madaxda Maamul Goboleedyada ee ka fakarayo kaliya sidii ay u heli lahaayeen lacago iyo inay kusii fadhiyaan kursigaas ay kusoo aadeyn xilli dadka Soomaaliyeed ay soo baraarugeyn isla markaasna aan laga gadi karin been iyo u adeegidda dowladaha ka shaqeenayo Baabi’inta dalkaan maskiinka ah ee ku yaal Geeska Africa.

Waxyeellooyinka  Nidaamka Federaalliga

Aqoonyahannadadaraaseeyey waxay ku sheegeen ilaa toddobo 7 cilladood oo waaweyn oo kala ah.

1) nidaamkani wuxuu ku cusleeyaa dowladda dhexe inay wax ka qabato arrimaha qaar laga yaabo in dastuurku uu siinayo dowladaha gobollada, laakiin xaqiiqa ahaan kagudbayaxuduudaha gobollada. Xilligan oo ay is-gaarsiintu wax badan fududeysay, waxaa isa-soo hoosgalaya

xuduudaha macnawiga ah ee u dhexeeya dowladaha gobollada iyo dowladda dhexe. Marka, waxaa nidaamkan la socda is-jiid-jiid badan iyo go‟aan-gaarista oo qaadata waqti dheeriyadoo aanba waxqabad la isla-gaarin. Tusaale, markii ay dhacday masiibadii Hurricane Katrina ee ka dhacday gobolka New Orleans, dowladda dhexe ee Maraykanku gurmadkii ay rabtay inay fidiso waxaa cillad ku noqday is-jiidjiidka iyo siyaasadaynta madaxdii gobolka New Orleans.

2)  nidaamkani kuma fiicna beeqaaminta dhaqaalaha waayo wuxuu ganacsiga ku qasbaa inay u hoggaansamaan xeerar badan oo isku soo noqnoqonaya. Taasi waxay kordhinaysaa qarashka ganacsiga, waxayna hoos u dhigeysaa faa‟iidooyinka ay ganacsatadu ka helaan ganacsigooda.

Marka sidan la leeyahay waxaa loo barbardhigayaa nidaamka aan ahayn federaalka.Sidoo kale, nidaamka laftiisu wuxuu ku dhisan yahay qaab aan beeqaaminayn ama u tureyn dhaqaalaha dalka.

3)  nidaamkani wuxuu abuuraa tartan ka dhexeeya dowladaha gobollada, gaar ahaan dhinaca dhaqaalaha. Marka uu gobol kasta isku dayo inuu soo jiito shirkadaha isagoo fududeynaya ama dhimaya canshuuraha iyo xeerinta, waxaa imanaysa inay hoos u dhacdo tayada wax-soosaarka. Tusaale, marka shirkadaha aan si adag loo xeerin waxay keenaysaa inay ku tuntaan dadweynaha iyo waxyaalaha danta guud ay ku xiran tahay sida deegaanka. Kanada marar badan ayay arrintani ka dhacday.

4) waxaa mararka qaar dhacda in dowladaha gobolladu ay ku qasbaan dadka ku nool gobollada kale inay bixiyaan qarashyo ama canshuuro dheeraad ah. Waxaa kaloo dhici karta inay xaddidaan xuquuqda shaqsiga ama ay u diidaan adeegyo kale oo uu qofkaasi ku leeyahay dalka iyagoo ku ximinaya inuusan qofkaasi ku dhalan gobolka. Soomaaliya hadda waxaa ka jira wax la yiraahdo “u dhashay gobolka” xitaa haddii uu qofku ku dhashay gobol kale. Dad badan oo magaalooyinka waaweyn ee Soomaaliya ku dhashay ayaan lahayn xuquuq siyaasadeed maadaama ay heyb-ahaan ka soo jeedaan qabiil aan ku badnayn magaalooyinka ay ku dhasheen.

Taasi waa dulmi weyn.

5)  maaddaama uu nidaamkani ku salaysan yahay gobollo iyo dowlad dhexe oo wax isku darsanaya, nidaamkani wuxuu saarayaa dadka culeys dhaqaale oo farabadan. Tusaale, dowladda dhexe iyo dowladaha gobolladuba waa inay yeeshaan xukuumadahooda, shaqaalahooda,booliskooda iyo garsoorkooda. Taasi waxay keenaysaa in hanti farabadan lagu bixiyo adeeg isku mid ah. Ma rumaysanaysaa haddii lagu yiraa dowladda Mareykanku waxay leedahay tiro ka badan 83,000 xukuumadood? (Rosen, 1994, p. 8). Yacni, tiradani waxay sidan ku imaanaysaa marka laga soo billaabo Aqallada Congress-ka oo lagu keeno heerka u hooseeya ee dowladaha hoose ee ka jira magaalo kasta iyo tuulo walba. Laurence J. OToole Waxaanay arrintani wax weyn u dhibaysaa dhaqaalaha dalka.

6) haddii aysan dadka laga badan yahay ku urursnayn hal gobol, waxaa dhacda in dowladaha gobolladu ay halis galiyaan jiritaanka dadka tirada yar. Dabcan, waxaa jira tusaalooyin badan oo la xiriira Soomaalida waayo waxaa jira dad la dhibo oo aan hal meel ku urursanayn. Ma helayaan xuquuqdooda dadkaasi. Mar aan dheereyn, waxaa saxaafadda Soomaalida soo galay cabashooyin badan oo qabiilka Gobooye ay ka tabanayaan xukuumadda “Somaliland”. Waxaa sidoo kale dhacay in dad barakacay lagu dhibaateeyey gobollad qaar oo loola dhaqmay sidii iyagoo qaxooti ah. Toddobo, nidaamka federaalka ahi ma ahan nidaam xasilloon. Waxaa mar walba kala jiita dowladaha gobollada oo aan iyaga laftoodu isla socon iyo dowladda dhexe. Marar badan waxaa qasab noqoto inuu dagaal ka dhasho is-jiid-jiidka. Waxaa kale oo iyaduna dhacda inay arrinta is-jiid-jiidku ku dhammaato in la kala baxo oo dowlado kala duwan la noqdo. Runtii, nidaamkan federaalku ma ahan nidaam u horseeda deggenaan dadka dalkaas ku nool haddii aysan taariikh hore u lahayn ku dhaqanka nidaamkan (Watts, 1999 iyo Elazar 1987).

Waxaa intaas dheer muranka ka dhasha xuduudaha dowladaha gobollada iyo is-maandhaafka ka dhasha fasirka dastuurka iyo cidda xaq u leh inay xeeriso arrinta la isku hayo. Sida caadada ah, dowladda dhexe waxay u xaglisaa in wixii ay qaramayn karto inay qaramayso halka dowladaha gobolladuna ay inta badan doonaan inay wixii ay ka ridan karaan dowladda dhexe inay ka ritaan.

Dhowr tusaale oo xiiso leh ayaa ka dhacay dalalka nidaamka federaalka ku dhaqma. Waxaa iyaduna jirta cillad weyn oo aqoonyahannada qaar xusaan, taasoo ah in nidaamka federaalku uu soo saaro in dadku ay jacaylkooda iyo jidbada wadaninimadooda ay siiyaan gobolladooda halkii ay siin lahaayeen dalka. Waxaa inta badan dhacda in dadku ay hormariyaan gobollada taasoo keeni karta inaysan dadku si weyn iskugu lifaaqin dalkooda. Tusaale, nidaamka federaalka ee ka jira dalka Canada ma uusan kobcin Canadiannimada ama qarannimada Canada ee wuxuu kobciyey goboleysiga.

Haddaba marka si dhab ah loo fiiriyo waxtarka iyo waxyeellooyinka nidaamkan la socda, dadka Soomaaliyeed ma u baahan yihiin nidaamka federaalliga? Ma awoodaan dhaqaale ahaan? Mase ka samatabixi karaan deggenaan la‟aanta ku dhex jirta nidaamkan? Ma jiraa hab kale oo dabooli kara baahida dadka Soomaaliyeed, islamarkaasna ka waxyeellooyin yar? Haddii si kale loo dhigo ma la samayn karaa nidaam leh dhammaan waxtarka uu leeyahay nidaamka federaalku, islamarkaasna aan lahayn waxyeellooyinkiisa. Anigoo ka duulaya waxyaalaha kor ku qoran, waxaan warqadda inta ka hartay ku lafaguri doonaa su‟aalahan iyo kuwo kale.

Waxaa diyaariyey Cabdirisaaq  Nuur Xasan (Xiirey)

Email: abdrizak1111@gmail.com