Muqdisho: Ciidamada DF oo uu dhex-maray dagaal BURCADNIMO la xiriira

Muqdisho (Caasimadda Online) – Ciidamada ka kala tirsan Milatariga iyo Booliska Soomaaliya ayaa maanta ku dagaallamay degmada Kaxda ee gobolka Banaadir Sidda ay sheegeen qaar ka mid ah dadka degaanka.

Dagaalka ayaa yimid ka dib markii Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya ay weerar ku qaadeen goob la sheegay in ay Isbaaro u tiilay Ciidamo ka tirsan Milatariga Soomaaliya.

Ciidamada Booliska ah ee weerarka geystay ayaa ka socda qeybta Booliska Gobolka Banaadir, waxaana dalbaday Guddoomiyaha Degmada Kaxda Maxamed Ismaaciil Cabdullahi.

Ciidamada la weeraray ee Milatariga ayaa markii hore goobta loo geeyay in ay ka hortagaan burcad dadka iyo Gaadiidka ku dhici jiray agagaarka MCH-ka Degmada Kaxda, waxaana ay iyaga lacago ka qaadayeen kaliya Gaadiidka Iska rogayaasha ama Carro geddiska loo yaqaan.

Sidoo kale Ciidanka Booliska ayaa la wareegay goobtii ay ku sugnaayeen Ciidanka Milatariga Soomaaliya.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay talisyadda Ciidamada qalabka sidda oo ku aadan dagaalkaan Khasaaraha dhaliyay ee ka dhacay degmada Kaxda.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com