Xarun degmo oo ka tirsan MUQDISHO oo cabsi qarax awgeed looga kala cararay

Muqdisho (Caasimadda Online) – Sida ay Shabakadda Caasimadda Online xogta ku heleyso mid kamid ah Degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa lagu kala cararay cabsi qarax awgeed.

Kala cararka ayaa ka dhacay xarunta degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho oo hore qarxiyey sanadkii hore, waxaana casbsi dhaliyey gaari la garan waayey cidda leh oo lagu arkay meel u dhow xarunta degmada, taasoo keentay in la xiro ganacsiyadii iyo xaruntii degmada isla markaana lagu kala tago halkaasi.

Qaar ka tirsan dadka halkaas dagan oo la hadlay Shabakadda Caasimadda Online ayaa sheegay inay halkaas ka jirto cabsi weyn isla markaasna uu dhacay kala carar aan loo meel dayin.

Dad joogayaal ah ayaa sheegay inay ciidamada amniga degmada ay ka myuqatay argagax badan iyo kala carar, markii la waayey qofka leh gaariga in muddo ah.

Waxaa la baneeyey dhammaan agagaarka degmadaas sidoo kalana waxaa meesha ka baxsaday shaqaalihii ka shaqeenayey Degmada iyo madaxdii ugu sareysay.

Wixii warar ah ee kusoo kordha kala soco Caasimadda Online