24.7 C
Mogadishu
Saturday, July 5, 2025

Arag Sawirrada dagaalki ka dhacay gobolka Sool

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Dagaalka oo ahaa midkii ugu xooga badnaa oo ka dhaca deegaanka Qorilley ee Gobolka Sool, ayaa galaaftay nolosha 24 ruux oo shacab ah.

Deegaanka uu dagaalka ka dhacay oo 90-KM dhanka Koonfur-bari kaga beegan Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool, ayaa Saakay laga cabsiqabaa inuu dib u qarxo xili dadka deegaanka ay yihiin kuwo isugu soo baxay farxada Ciida.

Dadka dhintay ayaa meydadkooda wali yaal Isbitaalada Magaalada kuwaasi oo la aqoonsan la’ yahay, halka kuwa dhaawaca ahna lagu dabiibaayo goobaha Caafimaadka.

Dagaalkan oo u dhexeeya malleeshiyooyin beeleed oo horay ay Colaado u Dhex-mareen; ayaa waxa ay Saakay mar kale dib u bilaaben dhaqdhaqaaq, iyadoona labada ciidan ay yihiin kuwo is hor fadhiya.

- Advertisement -

Read more

Local News