28.9 C
Mogadishu
Monday, June 16, 2025

Taliye xilka laga qaaday oo xiisad culus dhaliyey

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka laga helaayo Deegaanka Xawaadley ee gobolka Shabeelaha Dhexe, ayaa sheegaya in deegaankaasi uu ka taagan yahay xiisad u dhaxeyso ciidamo ka wada tirsan dowlada.

Wararku waxa ay sheegayaan in xiisadaasi ay ka dhalatay xil ka qaadis lagu sameeyay Taliyihii deegaanka Xawaadley ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Taliyaha cusub ee deegaankaasi Mr Rooble Maxamuud oo ka hadlay xiisada ka taagan degaanka, ayaa sheegay inay tahay mid salka ku heyso Xil ka qaadis deegaanka ka dhacday.

Rooble Maxamuud, ayaa sheegay in shaqsi ahaantiisa uu khalad u arko in Taliyaha xilka laga qaaday uu xilkaasi isku dhajiyo, waxa uuna Tilmaamay in qofka xil loo dhiibaayo hadana laga qaadayo, taasina ay tahay amar Dowladeed.

Rooble Maxamuud ayaa ka digay in Ciidamada uu wato Taliyihii hore ay qalqal galiyaan amaanka deegaanka Xawaadley ee degmada Balcad.

Geesta kale, waxa uu sheegay in Ciidamada uu wato Taliyihii hore ay gudaha deegaanka ka wadaan boob ay u geysanayaan dadka shacabka, balse aysan gacanta ka laaban doonin sida uu hadalka u dhigay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

- Advertisement -

Read more

Local News