Arrimaha Guudlaawe lagu haysto kadib safarkii Xasan Sheekh (4 qodob xasaasi ah)

Jowhar (Caasimada Online) – Dood xooggan oo la xiriirta xaaladda amni, dhaqaale, horumar iyo midnimo ee maamulka HirShabeelle ayaa qabsatay warbaahinta saacadihii lasoo dhaafay kadib markii uu madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud kasoo laabtay garoonka diyaaradaha ee magaalada Jowhar, sababo amni lala xiriiriyay.

Inkasta oo aanay cadeyn in qorshaha madaxweynaha uu ahaa in uu magaalada galo ama inuu garoonka kula soo kulmo madaxda maamulka iyo saraakiil ciidan, haddana waxaa deg deg u billowday guux ku saabsan in Cali Guudlaawe uu la lumay hoggaankii maamulka.

Dadka HirShabeelle kasoo jeeda waxay dareemayaan in loolankii maamul-goboleedyada looga adkaaday oo ay yihiin maamulka hadda ugu dambeeya dalka.

HirShabeelle waxaa la aas-aasay 2016-kii, inkasta oo xagga jiritaanka uu HirShabeelle yahay maamul-goboleedkii u dambeeyay ee la dhisay, haddana wax badan kama uusan dambeynin Galmudugtii Cadaado lagu aas-aasay 2015.

Haddaba, Maxaa lagu haysta Cali Guudlaawe?

Cali ayaa waxaa lagu qiimeynaya waxa uu ka qabtay afartaan arrimood;

1. Amniga

In madaxweyne Xasan Sheekh uu Jowhar diyaarad ku tago, in uusan gudaha magaalada aadin sababo la xijinayo dhanka amniga iyo isbaarooyinka daadsan deegaanada HirShabeelle, waxay dhamaan bixinayaan in uusan jirin amni, ciidan mideysan iyo shaqo uu maamulka dhankaas ka qabtay mudaddii uu xilka hayay Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe.

2. Isku haynta maamulka

Midnimada HirShabeelle ayaa geed ka laad laada, Hiiraan ayaa weli buuq ka taagan yahay, inkasta oo buuqa reer Hiiraan jiray Cali Guudlaawe kahor, haddana hadda waxay gaartay in la isku dayo in maamulkii mid kale laga agdhiso.

Heerkaan oo kale xaalka midnimadu ma gaarin intii ay jirtay xurguftaan ayay leeyihiin dadka ku doodaya in uusan Cali waxba ka qaban midnimada iyo isku haynta maamulka HirShabeelle.

3. Horumarka maamulka iyo mashaariicda

Midda saddexaad ee Cali Guudlaawe lagu haysto waa horumarinta hay’adaha dowladda, dhismayaasha iyo mashaariicda.

Dadka waxay ku doodayaan in uusan Cali ka tageyn wax weyn oo laga dhaxlo. HirShabeelle waxaa deris la ah Galmudug iyo Koonfur Galbeed.

Dadka kasoo jeeda HirShabeelle waxay cabir ka qaadanayaan xaaladda Galmudug iyo Koonfur Galbeed, halkaasi oo laga hirgeliyay mashaariic badan labadii sano ee u dambeysay.

Cali Guudlaawe arrintaana si weyn ayaa loogu haysta, welina dadkiisa uma sharaxin sababta uu wax mashaariic horumarineed ah iyo dhismayaal u heli waayay maamulku.

4. Heerka siyaasadda federaalka iyo wada-shaqeynta

Siyaasiyiinta heer federaal ee kasoo jeeda HirShabeelle ayaa cilaaqaad weyn iyo kaalin talo wadaag ah la laheyn hoggaanka maamulkooda.

Is-diidid aan sababteedu cadeyn ayaa muuqata, meesha Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Puntland siyaasiyiinta heer federaal ay safka hore ka taagan yihiin u adeegida maamulkooda, wax ku leeyihiin tallada, sidoo kalena ay u ololeeyaan horumarinta maamulladooda.

Afartaan arrimood ayaa kamid ah waxyaabaha lagu haysto hoggaamiyaha HirShabeelle, Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe.