Arrin cusub oo ku saabsan Qalbidhagax oo soo baxday iyo Itoobiya oo tallaabo lala yaabay ku dhawaaqday..!!

Adis Ababa (Caasimadda online) – Iyadoo dhawaan laga sii daayey xabsi ku yaal dalka Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi, dowladda Itoobiya ayaa ku dhawaaqday inay iyada Mas’uul ka tahay amnigiisa.

Dowlada Ethiopia ayaa la xaqiijiyay in si rasmi ah ay ula wareegtay amniga Sarkaalka ONLF C/kariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax.

Danyel Musami oo ah Sarkaal ka tirsan Booliska Ethiopia ayaa saxaafadda u  sheegay in ka warqabka xaalada amni ee Qalbi dhagax ay tahay mid dusha ka saran dowlada Ethiopia inta uu ku sugan yahay dalkeeda.

Sarkaalkaan ayaa sheegay in kiiska Qalbi Dhagax uu weli furan yahay isla markaasna ay ka sahlan tahay inta hartay kuwa laga soo gudbay, wuxuuna hadalkaan keenay shaki weyn oo ku aadan inay Itoobiya xiran karto Mas’uulkaan haddii ay usoo baahato maadaama kiiskiisa la sheegay inuu furan yahay.

Booliska Itoobiya ayuu sheegay inay la socdaan xaaladda amni ee Qalbi Dhagax, wuxuuna sidoo kale sheegay in arrintiisa loo xil saaray ciidamo dharcad ah.

Dowladda Itoobiya sharaxaad rasmi ah kama bixin sida amnigiisa loo sugayo iyo sababta keentay, wuxuuna kusii jeedaa dalka Kenya iyadoo laga cabsi qabo in mudada uu ku sugan yahay magaalada Addis Ababa uu caqabado kala kulmo dhinacyada kasoo horjeeda dowlada ee doonaaya waxyeeleynta Qalbi Dhagax si isku dhac uu uga dhex dhasho ONLF iyo Itoobiya.

Arrintaan cusub ayaa kusoo aadeyso xilli mar hore Qalbi Dhagax la siiyey waraaq fasax ah oo u ogolaaneyso inuu dalka ka dhoofi karo ama uu si xor ah u joogi karo, waxaana lala yaaban yahay hadalka cusub ee kasoo yeeray dowladda Itoobiya.

Qalbi Dhagax ayaa muddo bilooyin ah ku xirnaa dalka Itoobiya kadib markii dowladda Soomaaliya ay u dhiibtay dowladda Itoobiya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com