Lix arrimood oo laga bartay shirkii jaraa’id ee uu qabtay Cabdikariim Qalbi-Dhagax

Adis Ababa (Caasimadda Online) – Cabdikariin Shiikh Muuse Qalbi Dhagax ayaa Shalay markii ugu horeysay ka hadlay sababtii loo xiray iyo cidda ka dambeysay xarigiisa kadib markii dhawaan laga sii daayey xabsi ku yaal dalka Itoobiya oo uu ku xirnaa dhawr bilood.

Haddaba waxaan idiin soo gudbineynaa Lix (6) waxyaabood oo laga bartay hadalkiisa:

  • Inuu yahay Nin ay ka go’an tahay Soomaalinimo: Qalbi Dhagax hadalkiisa wuxuu dhawr jeer kusoo celceliyey inay Soomaaliya midowdo isla markaasna khilaafka iyo is kooxeysiga laga tago, waxaana ka muuqatay inay ka go’an tahay sidii loo heli lahaa Soomaaliya oo hal ah, C/kariin Qalbi Dhagax ayaa sheegay inuu xoojin doono Midnimada, isku duubnimada iyo sidii Umadda Soomaaliyeed loo mideyn lahaa, isla markaana dib loogu walaaleyn lahaa.
  • In la kala qariyey isaga iyo Madaxda ugu sareyso markii la xirayey: Qalbi Dhagax oo wareysi siiyey Wariye Coldoon ayaa sheegay inay jirto koox yar oo Muqdisho ku sugan taasoo kala qarisay isaga iyo madaxda ugu sareyso markii la xirayey, wuxuuna hadalkaas muujinayaa inaysan madaxda ugu sareyso dowladda Soomaaliya aysan waxba kala socon xarigiisa.
  • Inuu si weyn ula socday taageerada ay shacabka u muujiyeen: Qalbi Dhagax ayaa tilmaamay inuu si weyn ula socday taageerada ay shacabka Soomaaliyeed uu muujiyeen markii la xiray isagoo yiri “Shacabka Soomaaliyeed ee aad uga dhiidhiiyay jariimadii ay ashqaas yar i geysatay, waxay muujiyeen damiir walaalnimo oo Soomaali oo dhan mideeyay oo runtii taariikh lama ilaawaan ah, oo ku tuseysa in dadka Soomaaliyeed ay walaalo yihiin meel kasta ay joogaan”
  • Inuu ka gaabsaday cidda xirtay: Inkastoo Qalbi Dhagax uu sheegay inay koox yar ka dambeysay xarigiisa taasoo ku sugan Muqdisho, haddana si rasmi ah ugama hadlin cidda xirtay iyo magacyadooda taasoo muujineyso inuu ilaa xad ka gaabsaday.
  • Marnaba Itoobiya uma mahad celin: Qalbi Dhagax intii uu hadlayey marnaba uma mahadcelin dowladda Itoobiya oo xabsiga kasii deysay taasoo muujineyso inuu jiro kala fogaansho u dhaxeyso isaga iyo Itoobiya, waxayna arrintaan meesha ka saareysaa hadal heyntii ku aadaneyd inuu la shaqeyn doono dowladda Itoobiya.
  • Taxdar iyo Daganaansho: Qalbi Dhagax intii uu hadlayey oo dhan waxaa ka muuqatay inuu ka fiirsanayo hadalada uu dhahayo, wuxuuna muujinayey taxadar aad u weyn si toos ahna ugama hadlin waxyaabo badan oo laga filayey inuu kashifi doono.

 Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com