Arrin cusub: Wasiiro & Xildhibaano ka tirsan maamulka Jubbaland oo qaadacay shirka Kismaayo

Gedo (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland ayaa sheegaya in Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan maamulka ay ka hor imaadeen Shirka ka furmaaya magaalada Kismaayo.

Wasiirada iyo Xildhibaanada oo siyaabo kala duwan uga hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay aad uga soo horjeedan shirka loo qabanaayo maamulada ee ka furmi doona magaalada Kismaayo.

Wasiirada ka horyimid shirka magaalada Kismaayo ka furmaaya ayaa waxaa kamid ah Wasiirka Amniga Jubbaland C/rashiid Janan iyo Xildhibaano ka badan 10 kuwaas oo diidan shirka.

Wasiirada iyo Xildhibaanada ayaa ku doodaaya inaanu munaasib aheyn in xiligaani maamulka Jubbaland qabto shir kaa oo ay sheegen inuu caqabad ku noqon karo Jubbaland.

Waxa ay sheegen in shirka Kismaayo uu saameyn ku reebi karo Jubbaland oo iminka ka madax-banaan khilaafyada u dhexeeya dowlada Federaalka iyo maamul Goboleedyada.

Shirka ay kasoo horjeesteen Wasiirada iyo Xildhibaanada ayaa magaalada Kismaayo ka furmaaya Axada soo socota.

Talaabada ay Wasiirada iyo Xildhibaanada ku mucaaradeen shirka ayaa kusoo beegmeysa xili Axmed Madoobe uu shaaciyay inaanu baaqan doonin shirka.

Caasimada Online
Xafiiska Gedo
Caasimada@live.com