Askar ka tirsanaa DANAB oo ku dhintay shil diyaaradeed oo ka dhacay Ballidoogle

Afgooye (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay shil diyaaradeed oo gelinkii dambe ee Sabtidii ka dhacay duleedka xerada Ballidoogle oo ku taalla gobolka Shabeelaha Hoose, taas oo lagu tababaro ciidanka Danab.

Shilkan ayaa yimid, kadib markii ay diyaraad Helicopter ah la dhacday ciidamo ka tirsan DANAB, xili ay ku guda jireen tababar.

Mid kamid ah askata ku jirta xeradaasi oo la hadlay warbaahinta maxalliga ah ayaa sheegay in askarta Soomaalida ah ee la socday diyaaradda ay ahaayeen illaa sideed askari, kuwaas oo dhimasho iyo dhaawac ku noqday shilka ay ku galeen gobolka Sh/ Hoose.

Ugu yaraan afar askari ayaa ku dhintay shilkan, halka ay ku dhaawacmeen afar kale oo kamid ah ciidamada Danab ee ku jiray tababarka.

Sidoo kale waxaa diyaaradda saarnaa laba askari oo kasoo jeeda dalka Uganda iyo mid cadaan ah oo ahaa Pilot-ka diyaaradda, kuwaas oo iyaguna ay dhaawacyo soo gaareen.

Askarta geeriyooday iyo kuwa dhaawacmay ayaa ku guda jiray inay bartaan sida loo howlgeliyo diyaaradaha, taas oo qayb ka aheyd tababarka ay ku qaadanayeen halkaasi.

Waxaa sidoo kale askartaan ay mid ahaayeen ciidankii uu dhawaan ra’iisul wasaare Xamza ku booqday xerada Ballidoogle oo ay gacanta ku hayaan saraakiil Mareykan ah.

Illaa iyo hadda ma jiro wax faahfaahin ah oo kasoo baxay taliska ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo ku aadan dhacdadaasi.

Si kastaba, xerada Ballidoogle ayaa waxaa si gaar ah loogu tababara ciidamada Danab ee Xoogga dalka Soomaaliyeed, kuwaas oo qalab iyo taageero ka helo dowladda Mareykanka.