Ciidamada Somaliland oo dib uga baxay difaacyadoodii LAASCAANOOD + Sababta

Laascaanood (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Sool ayaa sheegaya in saaka xaalad deganaasho ah oo aan caga badan ku taagneyn laga dareemayo gudaha magaalada Laascaanood oo ay dagaallo culus ka socdeen 21 maalmood ee lasoo dhaafay.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa innoo sheegay in deganaasha uu yimid, kadib markii ay dib u garasho sameeyeen ciidamada Somaliland ee ku sugan duleedka magaaladaasi.

Ciidamada milatariga Somaliland ayaa lagu soo warramayaa inay xalay isaga baxeen inta badan goobihii ay difaacyada uga jireen, waxaana la wareegay ciidamada deegaanka.

Meelaha ay ka baxeen ciidamada waxaa ka mid ah guriga gobolka Sool oo ay saaka ku waabariisteen dadka deegaanka ee reer Laascaanood.

Sida ay muujiyaan muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ciidamadda deegaanka ayaa gurigaas ka furay calanka Somaliland, waxayna ka taageen calanka buluuga ah ee Somalia.

Sababta ay ciidamada Somaliland uga baxeen difaacyadooda ayaa waxaa lagu macneeyay laba arrimood midkood kuwaas oo kala ah:

1- Dib u gurasho xeelad dagaal iyo in ay isku dayayaan in ay duulaan kale oo abaabulan soo qaadaan.

2- In ay gebi ahaanba qaateen baaqyadii caalamiga ahaa ee soo baxayey kuwaas oo ahaa in iney isaga baxaan gobolka.

Xaaladda Laascaanood ayaa maalmihii u dambeeyay aheyd mid aad u cakiran, waxaana magaaladaasi shalay ka dhacay dagaalkii ugu xooganaa ee dhex-mara labaa dhinac, kaas oo sababay khasaare isugu jiro dhimasho, dhaawac iyo burbur soo gaaray magaaladaasi.

Si kastaba, tirada guud ee dhimashada ayaa kor u dhaaftay illaa 150 qof, halka uu dhaawacana uu ka badan illaa 500 oo kale, kuwaas oo u badan dad rayid ah.