Xog: Al-Shabaab oo xanibaad kusoo rogtay horjoogayaal Soomaali iyo ajaanib ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Tan iyo wixii ka dambeeyay jabka kooxda Al-Shabaab ka gaaray howl-galada ka dhanka ah ee dalka ka socda ayaa waxaa sii xoogeystay khilaafka iyo kala shakiga ka dhashay jabka soo gaaray ee ka dhex jira horjoogayaasha kooxda.

Dowladda federaalka ayaa markale shaacisay xogo iyo faah-faahino dheeraad ah oo ku saabsan horjoogayaasha kooxda daacada u ah oo uu go’doomiyay Mahad Karataay, oo ay sheegtay in uu ka faa’iideysanayo xaaladda caafimaad darro ee uu ku jiro amiirka guud ee Al-Shabaab Axmed Diiriye.

Horjoogayaasha go’doonka ku jira oo isugu jira Ajaanib iyo Soomaali waxaa ugu horeeya horjooge Xasan Afgooye oo kasoo jeeda xaafada Damalay ee degmada Afgooye ahaan jirayna horjoogihii horjoogayaasha dhaqaalaha baadda ah ay kooxda xoogga uga qaadi jirtay dadka Soomaaliyeed, waxaana uu go’doon ku yahay degmada Jilib oo uusan dhaafi kareyn.

Xasan Afgooye ayaa kamid ahaa dadka aadka ugu dhawaa horjoogihii Shabaab ee ifka laga khaarajiyey Axmed Cabdi Aw-Maxamuud Godane, wuxuuna si gaar ah ugu qaabilsan xagga cuntooyinka iyo biilasha.

Horjooge Farxaan Kaahiye oo kasoo jeeda degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud, horena u noqday horjoogihii ugu sareeyay waxa ay ugu yeeraan Jabhada.

Farxaan oo la rumeysan yahay in uu kamid ahaa horjoogayaasha kooxda sida weyn daacada ugu ahaa, ayaa waxa uu hoggaamiyey weeraro argagixiso oo ay dad badan oo Soomaaliyeed ku naf waayey, waxa uu hadda go’doon ku yahay oo uusan dhaafi karin degmada Jilib.

Horjoogayaasha ay kooxda Al-Shabaab u go’doomiyeen fashilka iyo jabka kasoo gaaray gobollada dhexe ee dalka waxaa kamid ah Horjooge Nuur Dheere oo kasoo jeeda deegaanka Bacaad-Weyne ee gobolka Mudug, waxa uuna go’doon ku yahay deegaanka Kuuya-Barow ee Shabeellaha Hoose.

Horjooge Ismaaciil Cosoble oo kasoo jeeda degmada Cadaado oo mar horjooge u noqday kuwa dhagarta, dilalka gaadmada iyo weerarada argagixiso ka fuliya gobolka Banaadir, waxa uu hadda go’doon ku yahay oo uusan dhaafi karin gobolka Jubbada Dhexe.

Marka laga soo tago horjoogayaasha Soomaalida ah waxaa jira horjoogayaal Ajaanib ah oo iyaguna la go’doomiyey, waxaana kamid ah; Horjooge Muuse Muhaajir oo kasoo jeeda magaalada Mombasa ee dalka Kenya.

Horjoogahan ayaa waxa uu hoggaamiyey weeraro argagixiso oo kooxda Al-Shabaab ka fuliyeen gudaha dalka Kenya, waxa uu hadda go’doon ku yahay oo uusan dhaafi karin gobolka Jubbada Hoose. Kenya aad ayay u doon-dooneysa horjoogahaas.

Horjooge Macalin Jinaaw oo kasoo jeeda deegaanka Xawaad-barbar ee gobolka Baay, islamarkaana ahaa horjoogihii kooxda ee gobolada Baay iyo Bakool ayaa kamid ah horjoogayaashii hoggaaminayey weeraro ay Al-Shabaab ka fuliyeen deegaano iyo magaalooyin ka tirsan dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed, wuxuuna isagna kamid yahay horjoogayaasha xanibaada lagu soo rogay.

Dhamaan horjoogayaashan oo markii hore ahaa kuwa saameyn ku leh kooxda Al-Shabaab, qeybna ka ahaa dhagaro iyo shirqoolo umadda Soomaaliyeed loo geystay, ayaa waxaa u billowday maalmahoodii madooba, maadaama aysan socdaali karin, kulmi karin, tagi karin magaalooyinka, telefoono isticmaali karin iyo in xitaa aysan la kulmi karin xaasaskooda.