Daawo: Ehellada Dr. Caa’isha Abuukar oo ka jawaabay warar laga faafiyey kiiska dilkeeda

Muqdisho (Caasimada Online) – Ehallada Dr. Caa’isha Abuukar, oo ah gabar Soomaaliyeed oo lagu dilay magaalada Qaahira ee dalka Masar, ayaa si caro leh uga hadlay warar laga faafiyey kiiskeeda, xilli weli ay baaris socoto. 

Ehellada oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa si gaar ah u tilmaamay Cabdifataax Barre, oo ah agaasimaha waxbarashada maamulka gobolka Banaadir, oo boggiisa Facebook soo dhigay qoraal ku saabsan sababta ay gabadhha u geeriyootay, sida isaga uu sheegay. 

Qoraalkaas oo markii dambe uu ka saaray boggiisa, ayuu Cabdifataax Barre ku sheegay in Caa’isha Abuukar ay u geeriyootay cudurka gaaska, islamarkaana la bari yeelay Maan Cabaas, oo ah wiil loo xiray oo lagu tuhmay dilka, balse weli aysan maxkamad ku caddeyn. 

Ehallada Dr. Caa’isha ayaa nasiibdarro ku tilmaamay in qof xil muhiim ah ka haya dowladda federaalka iyo maamulka gobolka uu marin habaabiyo kiiska, ayada oo weli ay socoto baaritaanka, islamarkaana hay’adaha dambi-baarista ee dalka Masar aysan weli go’aan ka gaarin kiiska. 

Dhinaca kale, ehellada ayaa ku eedeeyey safaaradda Soomaaliya ee dalka Masar inay faro-gelisay kiiska, oo ay ka shaqeysay in lasii daayo eedeysanaha. 

Waxay intaas ku dareen in safaaradda ay u shaqeyso umadda Soomaaliyeed oo idil, islamarkaana ay tahay wax aan la aqbali karin inay kiiska faro-gelisay oo ay u eexato mid ka mid ah dhinacyada isku haya. Waxay ugu baaqeen inay faraha kala baxdo kiiska, oo ay u dayso hay’adaha sharciga ah ee dalka Masar. 

Waxay ugu dambeyn ugu baaqeen dowladda iyo maamulka gobolka Banaadir inay tallaabo ka qaadaan Cabdifataax Barre, oo ay ku eedeeyeen inuu marin-habaabinayo kiiska Dr. Caa’isha Abuukar, oo weli baaritaankiisa uu socdo.