Sawirro: Al-Shabaab oo looga daba tegay gododkii ay ku dhuumaaleysanayeen

Muqdisho (Caasimada Online) – Dagaalka Al-Shabaab ayaa waxaa laga gaaray guulo waaweyn, ayada oo kooxda lagala wareegay deegaano horleh, waxaana dambeyntii maleeshiyaadka kooxda loogu tegay godadkii ay ku dhuumanayeen ee gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

Abuukar Axmed Cabdulle oo ah Taliyaha Macaawisleyda ee deegaanka Ceelbaraf iyo nawaaxigeeda oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in kooxda Al-Shabaab ay kala wareegeen gododkii ay ku dhuumaleysanayeen ee Beerta Cabdirisaaq oo 15-km dhanka galbeed kaga beegan deegaanka Oobaalle ee gobolka Sh/Dhexe.

“Gododkan ayay ku jireen oo ay ku dhuumanayeen, naf jecli inta ay ka qabaan god inta ay qoteen sida bahaladii oo baco lagu raray oo qoryo la saaray ayaa carro dusha looga shubay,” ayuu yiri Taliye Abuukar.

“Intaas waxaa u geynayo oo juqdaas geliyay waxa waaye cabsi, haddii ay geesayaal yihiin waxay noo istaagi lahaayeen bannaankaas ama waddooyinka, waa fuleynimadooda.”

Xasan Hiiraale oo kamid ah saraakiisha ciidamada deegaanka ayaa sidoo kale waxa uu warbaahinta dowladda u sheegay in ciidamada huwanta ay sii baacsanayaan firxada Shabaab, oo uu sheegay inay u baxsadeen deegaanada fog-fog.

“Nimanka harsiga iyo hooyaadka u diiday ummadda inaan maalmahan baacsigooda ku jirnay, Illaaha-Mahad-leh oo maanta namakinay meesha aan joogno, meesha aan joogno waa beerta Cabdirisaaq oo 15-km dhanka galbeed kaga beegan deegaanka Oobaalle,” ayuu yiri.

Maleeshiyaadkii Shabaab-ka ahaa ee ku sugnaa halkaasi ayaa goobta kaga cararay hub iyo agab kale, kuwaasi oo ay gacanta ku dhigeen ciidamada Macaawisleyda.

Kooxda Al-Shabaab ayaa waxaa gebi ahaanba laga sifeeyay tuulooyinka Wabiga dhanka galbeed iyo dhanka bari ka saaran, goobahaasi oo ay ka soo abaabuli jireen weerarada gaadmada ah ee ay ka fulin jireen gobollada Sh/Hoose iyo Hiiraan.