Cabdinuur oo si la yaab leh uga falceliyay doorashadii Muqdisho ee kursiga Hop086

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Cabdinuur Maxamed Axmed oo horey usoo noqday agaasimihii warfaafinta ee madaxtooyada ee dowladdii hore, kana mid ahaa saaxibadii aadka ugu dhowaa Maxamed Farmaajo ayaa ka hadlay doorashadii kursiga loo diiday Fahad Yaasiin ee Hop086, kaas oo shalay doorashadiisa lagu qabtay Muqdisho.

Kursigan ayaa waxaa kusoo baxay Dr. Maxamed Sheekh Axmed, kaas oo helay 98 cod oo gacan taag ah, kadib markii uu tanaasulay musharrixii la tartami lahaa.

Cabdinuur Maxamed oo ka falceliyay doorashadaas ayaa ugu horreyn u mahadceliyay taageeriyaaashiisa iyo saaxibadii la shaqeynayay inta uu ku jiray ololaha doorashada.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in uusan guul-daraysanin, isaga oo sababta ku sheegay in uusan tartan dhicin, isla-markaana doorashada ay aheyd mid lagu shubtay.

“Tartankii kursiga kumaaan guul-darraysan oo qoraalkani kama dhigna shaacinta in la igaga adkaaday maxaa yeelay tartanba ma jirin!,” ayuu qoraalkan ku yiri Cabdinuur.

Sidoo kale wuxuu ayaan darro ku tilmaamay in isaga iyo musharixiintii kale loo diiday inay u tartamaan kursigaasi oo kamid ahaa kuraastii uu khilaafka ka taagnaa illaa 2022-kii.

“Waxa ayaan-darro ah inaan naloo oggolaan u tartamidda kursiga iyada oo aanay sababtu ahayn inaan buuxin waayay shuruudihii” ayuu markale hadalkiisa raaciyay.

Halkan hoose ka aqriso:-

Musharax Cabdinuur Maxamed Axmed” MAANTA IYO BARRIBA MATALAADDAN WACAN WAA NOO MUHIIM!!!.

Waxaan rabaa inaan fursaddan uga faa’idaysto u mahadcelinta qoyskayga, saaxiibbaday, taageerayaashayda iyo dadka deegaan doorashada kursiga Hop086, kuwaasi oo i garab istaagay usbuucyadii la soo dhaafay iyo muddadii aan halganka ugu jiray ka qayb-gelidda tartanka hoggaaminta iyo metelaadda dadkayga.

Waxa sharaf ii ah oo i farxad geliyay taageerada weyn ee aad ii muujiseen intii aan ku guda-jiray geeddigan siyaasadeed. Arrintaasi waxa ay dhab ahaan marag u noqotay in aan la hor istaagi karin dhallinyaradeenna doonaysa inay metelaan dadkooda.

Qodob baanse rabaa inaan hoosta ka xarriiqo: tartankii kursiga kumaaan guul-darraysan oo qoraalkani kama dhigna shaacinta in la igaga adkaaday maxaa yeelay tartanba ma jirin! Waxaan keliya fursaddan uga faa’idaysanayaa inaan la dabbaal-dego dhammaan dadkii qaybta ka ahaa halganka. Awoodda codkeennu wuxuu inoo suurtageliyay inaan taariikh reebno.

Waxa ayaan-darro ah inaan naloo oggolaan u tartamidda kursiga iyada oo aanay sababtu ahayn inaan buuxin waayay shuruudihii, balse taa beddelkeeda waa nala hor istaagay markii la arkay aaminaadda iyo kalsoonida aad ku qabtaan hoggaamintayda oo ahayd mid cad oo muuqatay.

Malaayiin ka mid ah dhallinyarada qarankeenna ayaa leh hammi sare oo hoggaamin, waxayna diyaar u yihiin inay isbeddel u horseedaan dalka. Dhallinyarada Soomaaliyeed waa ay awoodaan hoggaaminta dalkooda, inaan arrintaas caddeeyo ayaana u raadinayay kursiga.

Hankayga la xiriira in dhabbo iyo dariiq cusub loo jeexo da’yarteennu wuu sii xoogaystay.

Waxaaan adeegsan doonnaa dhammaan hababka kala duwan iyo kuwa sharci ee noo furan si aan u xaqiijinno xaqeenna metelaadda dhallinyarada iyo dadka uu ka dhexeeyo kursiga Hop 086.

Balse inta ka horraysa, qoraalkani waxaan uga dan lahaa u mahadcelinta qof kasta oo idin kamid ah oo marxaladdan i garab istaagay.

Tixgelin,

Cabdinuur Maxamed Axmed

Musharax Xildhibaan HoP086