Sawirro: Xubno Al-Shabab ah iyo hub culus oo ay wateen oo lagu qabtay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal culus oo ay xalay ciidamada Booliska Soomaaliya ka sameeyeen qaybo kamid ah degmada Dayniile ee gobolka Banaadir, kaas oo lagu soo qabtay xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Qoraal kasoo baxay Taliska Booliska Gobolka Banaadir ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamada ammaanka ay soo qabteen illaa saddex nin oo ka tirsan Al-Shabaab, xilli ay ku howlanaayeen in falal ammaan darri ay ka geystaan gudaha degmada Dayniile.

“Ciidanka Booliska Saldhigga Degmada Deyniile ee Taliska Qeybta ee Gobalka Banaadir oo Ku jira Howgal Habeenimo ayaa gacanta ku dhigay Koox seddex oo kamid Khawaarijta Al-Shabaab kuwaas oo ku howlwanaa falal amni darro oo ay u maleegayeen Dadka Shacabka ah” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka Taliska Ciidamada Booliska Gobolka Banaadir.

Sidoo kale wuxuu Booliska shaaca ka qaaday in gacanta lagu soo dhigay hubkii ay wateen raggaan iyo mooto Bajaaj ay isticmaalayeen, xilliga lasoo qabanayay.

Taliska ayaa intaasi kusii daray in raggan ay haatan ku jiraan gacanta dowladda, isla-markaana loo gudbin doono maxkamad, si looga qaado tallaabo sharciga waafaqsan.

“Ciidanka ayaana soo qabtay iyaga iyo moota bajaaj ay wateen, sidoo kale dhagar qabayaashaan ayaa watay Qori RBG ah, waxeeyna haatan ku jiraan gacanta Ciidanka Ammiga,” ayaa markale lagu yiri warka qoraalka ah ee kasoo baxay Taliska Booliska.

Waxa kale oo uu Booliska Soomaaliya sheegay in uu sii wadi doono howlgallada lagu xaqiijinayo amniga iyo kuwa lagula dagaalamayo burcadda iyo ciyaal weeraada.

Khamiistii lasoo dhaafay ayey aheyd markii Booliska Gobolka Banaadir uu hub iyo shabakad ka tirsan Al-Shabaab uu kusoo bandhigay saldhigga degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

Si kastaba, kooxda Al-Shabaab ayaa haatan culeys xoogan soo saartay gudaha caasimada, waxaana todobaadyadii lasoo dhaafay ay weeraro xoogan ka fulisay qaar kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir, waxaana ugu dambeeyay weerarkii degmada Cabdicasiis.