ASKARI xalay aabihiis ku dilay magaalada Ceerigaabo

Ceerigaabo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Sanaag ee waqooyiga Soomaaliya ayaa sheegaya in xalay askari ka tirsan ciidamada Somaliland uu aabihiis ku dilay gudaha magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolkaasi.

Dilka ayaa yimid kadib markii uu muran soo kala dhex-galay askariga iyo aabihiisa, kadibna uu sidaas toogasho ugu dilay.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa innoo sheegay in aabaha ay rasaasta kaga dhacday qaybaha sare ee jirkiisa, isla markaana uu goobta ku geeriyooday.

Qaar kamid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in askariga falkan gaystay uu goobta isaga baxsaday, bals waxaa deegaan kale kasoo qabtay ciidanka ammaanka ee Somaliland.

Mas’uuliyiinta gobolka oo ka hadlay dhacdadan argagaxa leh ayaa sheegay in haatan ay socdaan baaritaano dheeraad ah oo ku aadan falkaasi dilka ahl

Sidoo kale waxa ay tilmameen in eedeysanaha uu haatan ku jiro gacanta Somaliland, isla markaana dhowaan la horgeyn doono maxkamadda ciidamada si looga qaado tallabo adag.

Dhacdadan ayaa argagax ku reebtay dadka deegaanka, waxaana sidoo kale si aad ah looga hadal hayaa baraha bulshada ee Internet-ka.

Muddooyinkii lasoo dhaafay ayaa waxaa gudaha dalka ka dhacayay dhacdooyin argagax leh oo kasoo cusboonaaday magaalooyinka ee waa weyn ee Soomaaliya, kuwaas oo saameyn ku yeeshay bulshada qaybaheeda kala duwan.

Dhacdooyinkan ayaa dhammaantood salka ku haya arrimo qoys, waxaana dhacay kiisas waa weyn oo illaa iyo hadda aan laga sal gaarin iyo kuwa kale oo yaalla maxkamadaha.