Falcelin yaab leh oo ka dhalatay dib ugu soo laabashada dalka ee Farmaajo

Muqdisho (Caasimada Online) – Shacabka Soomaaliyeed ee isticmaalaha baraha bulshada, gaar ahaan Facebook ayaa si weyn uga falceliyey dib u soo laabashada madaxweynihii hore ee dalka Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo maanta shaaciyey inuu sii joogi doono Muqdisho.

Dadka qaar ayaa aad u taageersan Farmaajo inuu ku soo laabto Muqdisho, halka kuwo kale ay aad u dhibsanayaan, iyagoo inta badan ku hal-qabsanaya amniga soo hagaagay Farmaajo kadib iyo xiriirka Itoobiya oo heer sare joogay xiligii Farmaajo, balse hadda ay xiisadda labada dal cirka isku shareertay.

Waxaan dib u eegnay dhigaalada fal-celinta ah ee dadku ku soo direen qeybta faalada ama comment-ga muuqaalkii uu Farmaajo galabta sii daayey, kadib markii uu dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho.

Dadka ka soo aragti dhiibtay muuqaalka Farmaajo waxaa ka mid ah Maxamed Beerdoon oo yiri, “Abti waagii aad dadka dareenka wadaninimo uga faaiideysan jirtay, waa lasoo dhaafay Cabdiraxmaan Cabdishakuur weli kuma  ilaawin.”

Cumar Hoone oo yiri “Mahad Salaad iyo teamkiisa iska ilaali mudane madaxwayne.”

Xasan Koronto ayaa yiri “Dastuur meel ii dhig ee Xasan Sheekh u sheeg inuu baryada joojiyo oo xiriirka u jaro Itoobiya iyo Kenya.”

Cabdifitaax Cawil Axmed ayaa yiri, “dalkeena si uu hormar u gaaro, waxaan ku talin lahaa in dhamaan mucaarad iyo muxaafid hal gogol iskugu yimaadaan, lagana wada tashado tilaabo walba oo masiiri ah, wax walba oo la gorfeeyo oo loo wada dhanyahay waxaa laga gaaraa natiijo iyo hormar balaaran.”

Dhubad Yare ayaa yiri “Isku milankii dowladaadii iyo Shabaab ayaa wali lakala sifaynayaa oo waliba banaanka looga daba-tagay, walaalkaa Abiy Axmedna naqaska ayaa lagu dhajiyay.”

Aragtida bulshada oo aad u badan intaan ayaan ka xuseynaa, dadkuna waxay isugu jiraan kuwo u muuqda inay weli taageersan yihiin oo xukunka dalka la rabaan Farmaajo iyo kuwo u muujinaya in dalku hagaagay kadibkiis oo amniga iyo diblomaasiyadda hormarro badan laga gaaray intii uu xukunka joogay Xasan Sheekh.

Farmaajo ayaa muuqaal iska soo duubay markii uu yimid Muqdisho, wuxuuna sheegay inuu sii joogi doono oo ka shaqey doono arrimo siyaasi ah, sida wax ka bedelka ku socda dastuurka, maadaama uu yahay xubin ka mid ah baarlamaanka oo hadda gacanta ku haya howsha dhameystirka dastuurka.