25.4 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

Aw-libaax iyo Maxamud Sayid Aadan oo qorshe culus u dagay maamulka Axmed Madoobe (Xog)

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maalmihii ugu dambeeyay magaalada Muqdisho kulamo kala duwan ay kaga socdeen qaar kamid ah siyaasiyiin, waxgarad iyo aqoonyahano kasoo jeedo gobolka Gedo, kuwaasi oo ay hormuud ka ahaayeen Maxamuud Sayid Aadan iyo Maxamed Aw-libaax.

Kulanka oo ay ka qeyb galeen siyaasiyiin caan ka ah gobolka Gedo oo uu ka mid yahay Barre Aadan Shire Hiiraale ayaa waxaa lagu go’aansaday in xubnaha kasoo jeeda Gedo ay tagaan magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Maxamuud Sayid Aadan oo ka hadlay kulan ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in waxgaradka beesha Sadde ee degta Gedo isku raaceen iney ku laabtaan magaalada Kismaayp, isagoo arin aan wanaagsaneen ku tilmaamay in saraakiisha Gedo ka baxaan Kismaayo ama ay dagaal la galaan maamulka Jubbadaland, maadaama waqtiga la joogo uusan aheyn waqti dagaal laakiin uu yahay waqti siyaasad.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in siyaasiyiinta kasoo jeedo Gedo ee ku shiray magaalada Muqdisho isla garteen iney ka qeyb galaan shirka dib u hishiisiinta ee ka dhacayo magaalada Kismaayo, iyaga oo hishiis buuxa la galaya maamulka Jubbaland.

Maxamuud Sayid Aadan iyo Aw-libaax ayaa doonaya iney waji cusub u abuuraan xiriirka siyaasadeed ee ka dhaxeeyo Axmed Madoobe iyo siyaasiyiinta kasoo jeedo deegaanada gobolka Gedo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News