Awooda ciidanka Milatariga Soomaaliya oo ka sare martay dal ka tirsan YURUB

Muqdisho (Caasimada Online) – Bogga Golobal firepower oo sanad walba soo saara liiska awoodda militeriga ee dalalka caalamka ayaa cusboonaysiin ku sameeyay xogtii sanadkan oo meelaha qaar isbaddallo laga arki karo.

Sida caadiga ahaydba, xagga sare ee liiskan, saddexda dal ee ugu awoodda badan militeriga adduunka waa Mareykanka, Ruushka iyo Shiinaha oo sida ay magacyadooda u kala horreeyaan isugu xiga.

Hase yeeshee, haddii aad eegto meesha ugu hoosaysa, waxaa kuu muuqanaya isbaddal aan horay looga baranin liiska.

Markii xogtan la shaacinayay horaantii sanadkan saddexda Soomaaliya ayaa ka mid ahayd saddexda waddan ee ugu hooseeya liiska awoodda militeriga caalamka, waxaana ka hooseeyay oo keliya waddamada Kosovo iyo Bhutan.

Laakiin cusbaanaysiinta dhawaan la sameeyay ayaa muujinaysa in waddan saddexaad oo kasii hoos maray Soomaaliya, kaasoo meesha ugu dambaysa ka galay liiska.

Dalkaasi waa Iceland oo ku yaalla qaaradda Yurub. Iceland ayaa ka mid ah dalalka xubnaha ka ah isbahaysiga NATO ee uu Mareykanku hoggaamiyo.

Sida ku xusan xogta GlobalFirePower, Iceland waxa ay shacabkeeda ka heli kartaa 81,474 qof oo awood u leh inay militeri noqdaan. 48,070 ka mid ah dadkaas waxay xilli kasta diyaar u noqon karaan in loo qoro ciidanka qalabka sida. Sanad walba waxaa da’da militeriga soo gaara 1,779 ruux.

Balse sidaasoo ay tahay Iceland ma laha ciidan dhisan oo militeri ah.

Waxaase uu waddankan leeyahay nidaam difaaca hawada ah, ciidamo ilaalada xeebta u qaabilsan, boolis iyo ciidamada maamulka.

Militeriga Iceland lama dhisin tan iyo sanadkii 1869-kii balse waddankan waxa uu xubin ka yahay isbahaysiga NATO ee ugu awoodda badan caalamka.

BBC