FAROOLE iyo GAAS oo ka horyimid qorshe uu wado madaxweyne SACIID DENI

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynayaashii hore ee Puntland, Cabdiraxmmaan Maxamed Maxamuud (Faroole) iyo Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) oo ka qayb-galayey dooda BBC ayaa ka hadlay xiisadda siyaasadeed ee Puntland, gaar ahaan doorashooyinka.

Labada nin ayaa si weyn uga horymid qorshaha madaxweynaha hadda talada haya ee Puntland, Saciid Deni ee ku aadan inuu doorasho qof iyo cod ah ka qabto maamulkaasi.

Faroole oo dooda ku horreeyey ayaa shaaca ka qaaday in Saciid Deni uu wado boob iyo masuq-maasuq, isla-markaana ay ka fogtahay dimuquraadiyadda la sheegayo.

“Doorasho iyo Dimuqaraadiyad ma’ahan waa boob iyo musuq maasuq dowladdu u soo harag badalatay oo ay rabto in ay wax ku boobto,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Faroole.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in muddada u hartay madaxweynaha in aan lagu qaban karin doorasho qof iyo cod ah, balse ujeedkiisa uu yahay inuu sameysto muddo kororsi horleh.

Dhankiisa Cabdiweli Gaas ayaa sheegay in horta Puntland ay u baahan doorasho qof iyo cod ah, balse qaabka haatan wax loo wado aysan ka tarjumeyn doorasho xor iyo xalaal ah.

“Anigu waxaan qabaa waa loo baahan yahay dimuqraadiyada one person one qof, laakiin midda hadda qaabka loo dhigayo, waxay u muuqataa inay tahay kalmad xaq ah oo laakiin baadil loola jeedo,” ayuu isna yiri Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo la hadlayey BBC-da.

Waxa kale oo uu intaasi ku sii daray in maamulka Garoowe, gaar ahaan madaxweyne Saciid Cabdullah Deni laga sugayo in doorashada uu qabto waqtigeeda oo ah January 2024.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, ayada oo haatan guux siyaasadeed uu ka jiro Puntland, kaas oo ku aadan inuu muddo kororsi damacsan yahay Saciid Deni oo dhowaan qaaday tallaabo culus, kadib markii uu xilalkii ka qaaday wasiiro aad ugu dhowaa, kuwa kalena uu magacaabay, taas oo la sheegay inay salka ku heyso doorashada iyo diyaar garowgeeda.