Dhul badeedkii ay muddada isku hayeen Soomaaliya iyo Kenya oo shidaal laga waayey

Nairobi (Caasimada Online) – Kenya ayaa ku guuldarreysatay inay shidaal iyo gaas ka hesho qeyb ka mid ah dhul-badeedkii muddada afarto sano ah doodda ka taagneyd, waxaa sidas weriyey wargeyska Daily Nation.  

Baaritaan lagu sameeyey ceelka Mlima-1 oo loo yaqaan Block L11B ayaa lagu ogaaday inuu qalalan yahay, taasi oo soo geba-gebeysay 10 sano oo Kenya ay si sharci-darro ah shidaal uga baareysay dhul-badeedkan.

Hay’adda Maamulka Tamarta iyo Shidaalka Kenya ee (Epra) ayaa sheegtay in shirkadda ENI ay joojisay mashruuca bartimihii sanadkan kadib markii ay ku guuldareystay inay wax raad oo shidaal ama gaas ah ka hesho aagga.

Kenya ayaa fasaxa sahminta siisay shirkadda ENI sanaddii 2012 xilligaas oo ay si aad ah uga hortimid dowladda Soomaaliya oo sheegtay in Kenya si sharci darro ah u yaboohday xirmooyinka shidaalka. 

Kenya ayaa xoojisay dhaq-dhaqaaqyada sahminta ee agga Lamu Basin bishii December ee sanadkii tegay, toddobaadyo kadib markii ay diiday xukunkii Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda (ICJ) bishii October oo badankiis u hiiliyey Soomaaliya.

“Waxaa jiray dhaq-dhaqaaqyo rajo-gelin ah balse nasiibdarro ENI waxay ku tageen ceel qalalan, waxayna ku qasbanaadeen inay soo geba-gebeyaan howlgalka,” ayey tiri Epra. 

ENI ayaa tan iyo bishii April ee sanadkii hore ku hawlanayd khariidaynta kaydka shidaalka iyo gaaska ee Lamu Basin inkasta oo uu jiray murankii Soomaaliya iyo Kenya ee dhul-badeed cabirkiisu yahay 100,000 km oo laba jibaaran.

Soomaaliya ayaa dacwadda kiiska badda u gudbisay Maxkamadda ICJ bishii August 2014, waxaana xukunka uu dhacay October 2021, kaasi oo badankiisa ay ku guuleysatay Soomaaliya.  

Kenya ayaa ku gacan sayrtay go’aanka Maxkamadda, waxayna sii wadday sahminta shidaal.

Waxaa xusid mudan in halka shidaalka laga waayey uu yahay kaliya hal block ama xirmo, ayna jiraan dhowr iyo toban kale oo aan weli la ogeyn waxa ku jira.