Axmed Madoobe oo 4 dal ku eedeeyey in burburin ay ka wadaan Soomaaliya

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweyne Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa shaaca ka qaaday islamarkaana weeraray afar dowlad oo uu sheegay inay “burburin iyo dhibaato ka wadaan” gudaha Soomaaliya.

Axmed Madoobe, oo shalay khudbad ka jeediyey kal-fadhiga labaad ee baarlamanka Jubaland, ayaa sheegay in afartaas dowlad ay kala yihiin Qatar, Ethiopia, Eritrea iyo Turkey.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in dowlada Qatar “ay lacago ay ku bixinayso burburinta dowladnimada Soomaaliya”, sida uu hadalka u dhigay. Qatar ayaa la rumeysan yahay inay tahay dowladda ugu dhow xilligan ee Villa Somalia ay xiriirka la leedahay.

Madaxweynaha Jubaland ayaa sidoo kale ugu baaqay dowlada Turkey inay dib u eegto “dhibaatada ay shacabka Soomaaliyeed ku hayaan ciidamadii ay soo tababareen oo si khaldan loo adeegsanayo”. Turkey ayaa tababarta ciidamada Gorgor iyo Haramcad, oo dowladda Soomaaliya ay marar badan u adeegsatay dagaalka maamul goboleedyada.

Axmed Madoobe ayaa sidoo kale dowlada Ethiopia uu ugu baaqay “inay xakamayso sarakiisheeda ku lugta leh dhibaatada gudaha ee Soomaaliya”, isago sheegay in dowladaha AMISOM ay ku koobnaadan masuuliyada ay dalka u joogaan oo kaliyah.

Madaxweynaha Jubaland ayaa dowladda afaraad ee uu weerarka ku qaaday waxay tahay Eritrea, oo uu sheegay in dimuqraadiyadii dalku ay dhaafi ladahay rajiimka Eritrea, waxaana uu is weydiiyay nooca dimuqraadiyad ee Soomaaliya ay ka baran karto Eritrea.

Ethiopia iyo Eritrea ayaa Villa Somalia ay aad isugu dhow yihiin, waxaana ku wada jiraan isbaheysi saddex geesood ah, oo aanay shacabka Soomaaliyeed faah-faahin badan ka haysan waxa uu u taagan yahay.