25.5 C
Mogadishu
Tuesday, January 20, 2026

Xog: Axmed Madoobe oo dalabkiisa laga aqbalay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Jigjiga (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Jigjiga ee dhulka Soomaalida Ethiopia ayaa sheegaya iney ku wada sugan yihiin madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe iyo madaxweynaha Galmudug C/kariin Guuleed.

Ujeedada socdaalka labadaasi madaxweyne ee Jigjiga ayaa lagu sheegay iney tahay dhexdhexaadin u bilaabaneysa maamulka DDSI iyo Galmudug oo dhawaanahaan ku dagaalamayay deegaano dhaca xuduuda Galgaduud ee dhanka Ethiopia.

Axmed Madoobe ayaa hishiiskaasi goobjoog ka ahaanaya, waxaana dowlada Ethiopia ay dooneysaa in la dhameeyo xiisadaha ka taagan deegaanada Xuduuda dhaca oo ka dambeeyay markii ciidamada Liyuu boolis ay weerareen dad halkaasi degenaa.

Madaxweyne Axmed Madoobe oo maalmo ka hor tagay magaalada Jigjiga ayaa soo jeediyay in dhexdhexaadin laga dhex bilaabo labada maamul, waxaana madaxweynaha maamulka DDSI uu aqbalay dalabka madaxweyne Axmed Madoobe.

Ciidamada Amniga Xaduudaha ee Ismaamulka Soomaalida Itoobiya ayaa dhawaan howgalo ka sameeyey xadka ay la wadaagaan gobalka Galguduud, ka dib markii kooxo abaabulan ay weerar ku qaadeen deegaanka Dac-Dheer ee Ismaamulka Soomaalida Itoobiya.

Lama garanayo waxyaabaha ka soo bixi doona wada hadaladan, balse Nabadoonka Sannadka ee Siyaasada Soomaaliya Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa hadda jooga madasha wada hadalsiinta, taas oo ahayd Ujeedada ugu badan ee u gaaray dalka Itoobiya.

Caasimada Online
Xafiiska Jigjiga
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News