Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa ka shanqariyay in DFS aysan dhameystiri karin howlaha u harsan ilaa laga helo wakhti ku filan.
Ra’isul wasaare Cumar waxa uu sheegay in Madaxda DFS ay la wada socdaan arrintaasi oo ah in labada Gole ay horyaalaan qorshooyin badan oo ka doodis u baahan kuwaasi oo ay suuragal tahay inaysan qabsoomin waa haddii aan la helin muddo kordhin kooban oo ku filan dhameystirka howlaha harsan.
Sharmaarke waxa uu sheegay inaan laga maarmi doonin in wakhti loo helo howlaha iminka dhameystirka u baahan waxa uuna carab dhabay in Howlaha noocaasi ah aan ku filnaan doonin wakhtiga Dowlada u harsan.
Hadalkaani ayuu ku sheegay wareysi uu siinaayay Idaacada Dowlada kaasi oo khuseeyay arrimaha Doorashooyinka.
Ma uusan carabaabin mudada ku filnaankarta dhameystirka howlahaasi balse waxa uu si maldahan u sheegay in wakhtiga uu muhiim yahay.
Haddalka Sharmaarke ayaa imaanaya iyadoo dhawaan Beesha Caalamka ay ka dhawaajisay inaanu jiri doonin wakhti kororsi.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

