Axmed Madoobe oo hal shardi ku xiray haddii uu shirka London noqon doono mid Soomaalida u roon

London (Caasimadda Onlin) – Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe  oo ah madaxweynaha Maamulka Jubbaland ayaa ka dhawajiyey hal shardi oo ku xiran inuu shirka London noqdo mid u wanaagsan Soomaaliya.

Axmed Madoobe ayaa tilmaamay in shirka London uu noqon doono mid miro dhal leh oo Soomaaliya dan weyn ugu jirto haddii uusan noqon mid ku eg ballan qaad iyo yabooh oo kaliya.

Wuxuu sheegay in Beesha caalamku ay caadeysteen inay shirarka caalamiga ah ay kaga dhawaaqaan yabooha dhaqaalo aad u badan oo Soomaaliya lagu caawinayo hayeeshe aysan ka dhabeyn

Shirka London ee bari ka furmaya Ingiriiska ayuu rajo wanagsan ka muujiyay waxaana uu shaaciyay in shirkaas uu ka filayo inay kasoo baxd natiijo u wanaagsan shacabka iyo madaxda Soomaaliyeed.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in shirka Berri ka furmaya Magaalada London ay Beesha Caalamka ka codsan doonaan in ay bixiyaan lacagihii ay ugu yabooheen Soomaaliya.

Wuxuu tilmaamay in aan loo baahneyn lacago afka kaliya looga dhawaaqo hayeshee aan balanqaadkoodii la fulin ,waxaana uu sheegay in arintaas ay hore uga soo daaleen madaxda Soomaaliyeed, waxaana uu beesha caalamka ka dalbaday inay ka dhabeeyan balanqaadkooda.

Hadalkaan ayaa imaanaya xilli maalinta barri ah lagu wad inuu magaalada London ee dalka Britain uu ka furmo shirweyne looga arinsanayo xaaladda Soomaliya kaaso oo ay kasoo qeyb gali doonaan dalal badan oo caalamka ka kala socda iyo deeqbixiyaasha caalamka .

Waxaa lagu tilmaamay shirka London inuu yahay mid aan dan badan ugu jirin Soomaaliya, sidoo kalana ay ingiriiska ka leedahay dano iyada u gaar ah sida ay ka dhawaajiyeen dowlado ka tirsan Midowga Yurub oo  ay ugu horeyso Jarmalka.

Dowlado ka tirsan IGAD iyo Midowga Africa ayaa ka biyo diiday inay ka qeybgalaan shirka London, waxayna ku eedeeyeen ingiriiska inuu kaligiis isku koobay shirkaas isla markaasna uu dano gaar ah la leeyahay.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET