Maxaa kala heysta bad-maaxayaasha Soomaalida iyo burcada ka jalaabata xeebaha dalka?

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa sii kordhaaya Maraakiibta iyo Doomaha shisheeye ee ka jalaabta Xeebaha Somalia kuwaa oo Kheyraadka Badda Somalia si joogta ah u gurta.

Guddoomiyaha ururka badmaaxayaasha Soomaaliyeed Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in kheyraadkii loogu tallo galay badmaaxayaasha Soomaalida ay uruursadaan kuwo shisheeye.

Xasan Sheekh Maxamuud, waxa uu sheegay in Xeebaha Somalia ay kusii kordhayaan badmaaxayaasha shisheeye waxa uuna tilmaamay inay jiraan Maraakiib iyo Doonyo aad u dheereya oo gurta kheyraadka Badda Somalia.

Guddoomiyaha ayaa cadeeyay inay sii yaraaneyso kheyraadkii ay ka heli jireen Badda Somalia, waxa uuna meesha ka saaray in DFS ay isku dayday inay howlgaliso doonyo dheereera oo loogu deeqay.

”Badmaaxayaasha Soomaaliyeed waxa ay ku jiraan dhibaatooyin adag waxaa nasiib darro ah in Kheyraadka dalkeeda ay ka faa’iideystaan badmaaxayaasha shisheeye iyadoo ay dalka ka jirto dowlad ka tayo badan kuwii hore”

”Badmaaxayaasha shisheeye waxa ay hal mar gurtaan kheyraadka ay kuwa Soomaalida ah guran lahaayen dhowr asbuuc dowladu waan ku wargalinay balse ma jirto cid ilaa iyo hadda isku dayday inay qaado talaabo sharci ah”

Guddoomiyaha waxa uu sheegay in wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka badda ee xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya aysan xilligaani awood buuxda u laheyn inay wax ka qabato kaluumeysiga sharci darrada ah.

”Waan dareemi karnaa in Wasaaradu aysan qaadi karin talaabo cad, waxaanse dooneynaa in DFS ay isku daydo inay wax ka qabato xaalada sharci darro ee ka jirta xeebaha Somalia”

Geesta kale, waxa uu cadeeyay inay jiraan doonyo horay loogu deeqay maamulka Gobolka Banaadir, waxa uuna ku baaqay in Maamulka Gobolka ay dib u baaran doonyahaasi si loo howlgaliyo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com