Dowladda dhexe oo la wareegtay deeqihii midowga Yurub ee Somaliya iyo Maamul Goboleedyada oo…

Muqdisho (Caasimadda Online) –  Dowladda Soomaaliya ayaa si rasmi ah shaaca uga qaaday inay la wareegtay deeqihii ay Midowga Yurub siin jirtay dalka Soomaaliya, taasoo markii hore aheyd mid aan sal laheyn.

Wasiirka Qorsheynta Xukuumadda Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan ayaa ka dhawaajiyey inay wasaaradiisa ka shaqeysay sidii deeqaha midowga Yurub ee Soomaaliya usoo mari laheyd dowladda dhexe isla markaasna loogu qeybin lahaa Maamul Goboleedyada dalka, maadaama uu yahay sida Sharciga Federalismka.

Dowladda iyo Midowga Yurub ayaa Shalay wada saxiixday heshiis lagu hormarinayo waxbarashada kaasoo ku dhici doono ilaa 49 Malyan, waxaana la kala gaarsiin doonaa dhammaan qeybaha kala duwan ee dalka iyadoo loo marinayo maamul Goboleedyda, wuxuuna ahaa qorshihii ugu horeeyey oo ay dowladda ku joojineyso inay maamul Goboleedyda heshiis toos ah oo caalami ah galaan.

Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan  Wuxuu tilmaamay in ay saxiixeen lacag dhan 49 Million oo Midowga Yurub uu siiyay Soomaaliya, taasi oo loogu tala galay sidii loogu hormarin lahaa Waxbarashada Soomaaliya.

Wasiir Jamaal ayaa sheegay wax badan in Nairobi loo aadi jiray in la soo qorto Mashaariic, kadib wadanka la keeno, balse taasi ay dhammaatay hada wixii ka dambeeya, wax kasta oo la sameynayana ay ku fuli doonaan Qorshaha Hormarinta Qaranka.

Sidoo kale wuxuu ayaa xusay inay hadda wadaan qorshe ay uga hor tagayaan in Maamul Goboleedyada ay galaan heshiis caalami ah iyadoo aysan ka warqabin dowladda dhexe, lamana qiyaasi karo sida ay arrintaas u mari karto madaxda Maamul Goboleedyada oo isku heysta inay yihiin madaxda ugu sareyso dalka .

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET