A/Madoobe oo markale laga aqbalay codsigiisii

Kismaayo (Caasimada Online) – Baarlamaanka maamulka Jubbaland ayaa muddo kale oo dheeraad ah ugu daray madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo dalbaday in la siiyo waqti kale oo uu kusoo dhisayo wasiirada maamulkiisa.

Xildhibaanada oo gaarayay 53 xildhibaan ayaa 46 kamid ah waxay cod gacan taag ah ku aqbaleen in waqti dheeraad ah la siiyo Axmed Madoobe si uu usoo dhiso wasiirada maamulka Jubbaland.

Wararka ayaa sheegaya in muddo gaareysa 41 maalin loogu daray Axmed Madoobe si uu usoo dhiso wasiirada maamulkiisa, oo uu kasoo dhisi waayay beelaha qaar oo mucaaradsan maamulkiisa.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in Axmed Madoobe hadda u sahlan tahay soo dhisida wasiirada maamulkiisa,maadaama uu hishiis la galay siyaasiyiinta kasoo jeeda beesha SADE oo si weyn u mucaaradsan Jubbaland.

Axmed Madoobe ayaa horey u dalbaday min seddex bilood laakiin caqabado badan ayaa ka qabsaday soo dhisada wasiirada maamulkiisa.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com