Muqdisho (Caasimada Online) – Xabsiga dhexe ee Xamar ayaa waxaa laga dareemayaa isbedel weyn waxaana maxaabiista xabsiga la geeyay agab cusub oo loogu talo galay dadka maxaabiista ku jira.
Isbedelka waxaa kamid ah in dhalooyin ay ciyaaraha iyo isbedelada adduunka kala socdaan dadka xabsiyada ku jira, waxaana ay ahaayeen kuwo ku faraxsan isbedelkaasi.
Bashiir Maxamed Jaamac, taliyaha ciidamada asluubta Soomaaliyeed ayaa sheegay in isbedelkaasi uu yahay mid lagu doonayo in niyada loogu dhiso maxaabiista.


