Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan C/raxmaan Xoosh Jabriil oo kamid ah baarlamaanka Soomaaliya ayaa si kulul u dhaliilay siyaasada madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud uu la tagay magaalada Beledweyne.
Xildhibaan Xoosh, wuxuu marka hore sheegay in madaxweyne Xasan Sheikh uu hanaan aan wanaagsan ku wajahay waxgaradka gobolka Hiiraan kuwaasi oo doonaya in la aqbalo aragtida ay iyaga wataan
Sidoo kale wuxuu sheegay in Xasan Sheikh Maxamuud uu ismooday boqor ka taliya dalka oo ay wada jecel yihiin shacabka Soomaaliyeed, ayna dhagta wax ugu sheegayaan shaqsiyaad dowlada ka tirsan sida uu sheegay.
“Madaxweyne Xasan Boqortooyo ayuu isku mooday Afar wiil oo Qaraabadiisa ah ayaa been u sheegaya oo ku leh waa lagu jecel yahay, mana oga in khaati laga taagan yahay oo la arkay inuu wax walba ku fashilmay”ayuu yiri Xoosh Jabriil.
Sidoo kale xildhibaanka wuxuu sheegay in dowlada Soomaaliya ay ku fashilanta wax ka qabashada amaanka, dhaqaalaha iyo sidaasada dalka, taasi oo dhibaato ku ah ummadda Soomaaliyeed.
“Siyaasaddii ayuu ku fashilmay Ammaankii ayuu ku fashilmay, dhaqaalihii ayuu ku fashilmay, la dagaalanka musuq maasuqa ayuu ku fashilmay, intaa cid u sheegaysa ma lahan, annaguna horaan ugu sheegnay iscasilna waan ku niri, laakiin dadbaa been u sheegaya”. Xildhibaan Xoosh oo Wareysi siiyay Idaacada Goobjoog.
Wuxuu dhinaca kale sheegay in looga baahan yahay madaxda Soomaalida iney aqbalaan go’aanada iyo aragtida ay qabaan shacabka Soomaaliyeed lagana qeyb galiyaa siyaasada dalka.
“Haddii aaney madaxdu wada tashi la sameyn dadweynaha, aragtidoodana aan la tixgelin, waxa Villa Somaliya laga soo abaabulay ma soconayaan, waxaan ku aragnay Jubbaland, waxaan ku aragnay Koonfur Galbeed, waxaan ku arkeynaa hadda Puntland, hadaadan dadka la tashinin oo aadan wax la wadaagin, anaa wax wato ma soconeyso, ayuu yiri xildhibaanku.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

