Garoowe (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke oo ku sugan magaalada Garoowe ayaa ka hadlay kulamada ka socda Garoowe.
Ra’isul wasaare Cumar ayaa sheegay in aragti ahaan ay aad u wanaagsan tahay in caalamka uu juhdi ku bixiyo dhabihii lagu toosin lahaa Aayaha dalka Somalia oo uu sheegay inay tahay mid mudan in garab lagu siiyo Somalia.
Sharmaarke waxa uu sheegay in shirarka ka socda magaalada Garoowe ay lama huraan noqotay in IGAD ay goobjoog ka noqoto waxa uuna tilmaamay in IGAD ay mar waliba wanaagsan tahay inay la socto Heshiisyada dhexmara DFS iyo Maamulada Dalka si uu yiri aan u dhicin ka weecashada Heshiis horay loo wada gaaray.
Sharmaarke waxa uu tilmaamay in guul uu ka rajeynaayo shirka ka socda Garoowe, waxa uuna farta ku goday in waxa laga heshiinaayo ay tahay kaliya sidee Somalia looga saaraa gooni-gooni iyo tafaraaruqa taagan.
Wafdiga IGAD ayuu sheegay inay u taagan yihiin dhex dhexaadinta labada dhinac si uu yiri looga gudbo arrinta taagan bacdamaa uu sheegay in doorashada ay fooda kusoo heyso xiligii loogu tallo galay inay dhacdo.
Sharmaarke waxa uu sidoo kale, mahad celin u jeediyay Dowlada Talyaaniga oo uu sheegay in Somalia ay ka kabeyso dhinacyo badan oo ay kamid tahay dib usoo celinta bilicda Garoomada dalka iyo qeybo kale oo badan.
Dhanka kale, Sharmaarke ayaa sheegay in Dowladda Talyaaniga ay bixinayso dhaqaalaha ku baxaya wajiga labaad ee Garoonka Boosaaso, wuxuna xusay in dawladda Federaalka Soomaaliya ay ka codsatay Talyaaniga in gacan ay ka geystaan dhismaha wajiga labaad ee Garoonka, iyadoo dhaqaalaha ay soo marinayaan Urur Gobolleedka IGAD.
Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
[email protected]

