Baadariyaal ka tirsan Kaniisadaha Mareykanka oo fara xumeyn u geystay Boqolaal Carruur ah.

Benselvenia (Caasimadda Online) – Fadeexad hor leh ayaa kusoo baxday hoggaamiyaasha ugu sarreysa Kaniisadaha Nasaarada wadanka Mareykanka kadib markii ay geysteen Kufsi wadareed ka dhan ah carruur.

Kadib baritaanno socday muddo ku dhow 20 bilooda ayaa lagu ogaaday in carruur ka badan 1000 lagu kufsaday kaniisadaha Kaatoolliga gobolka Benselvenia ee dhaca Bariga dalka Maraykanka.

Warbixin uu faafiyay xeer ilaaliyaha guud ee Mareykanka ayuu ku xaqiijiyay in Baadariyada gobolka ay geysteen Fal dambiyeed iyagoo gacan ka helaya garsoorka gobolka Benselvenia.

“Wuxuu ahaa fal dambiyeed lagu fara xumeeyay in ka badan 1000 carruur ah, Baadariyada kaniisadaha ah ayaa foolxumada geysanayay iyagoo maamulayaasha Benselvenia ka helayay ilaalo dhank sharciga ah” ayaa lagu yiri warbixinta.

Carruurta lafara xumeeyay ayey warbixintu sheegaysaa in loo caga jugleeyay ayna ku qasbanaadeen in aysan kashifin fal dambiyeedkan, baadariyaasha Kaniisadaha Kaatoolliga ee fadeexaddu kusoo baxday ayaa diiday in ay warbaahinta lahadlaan waxayna ku hanjabeen in ay qabsan doonaan qareenno haddii maxkamad lageeyo kiiskan.

Baadariyada ayaa dadka ay madaxda uyihiin u sheega in guurku xaaraan ka yahay taas bedelkeedna waxay geystaan kufsi iyo fara xumeyn ay kula kacayaan carruurta iyo dumarka ay wadaadada Kirishtaan ah isaga dhigaan.

Wadanka Mareykanka wuxuu kamid yahay wadamada ugu fuxshiga badan dowladaha reergalbeedka waxaana maalin walba ka dhaca falal dambiyeedyo kala duwan.

Caasimada Online
Xafiiska Washington
Caasimada@live.com