Baaritaan la xiriira ‘cunto ka soomidda’ MUKHTAAR ROOBOW oo la dalbaday

Baydhabo (Caasimada Online) – Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa looga baaqay in baaritaan uu ku sameeyaan xaaladda Sheekh Mukhtaar Roobow Abu Mansuur, oo wararkii ugu dambeeyey ay sheegayaan inuu ka soomay cuntada.

Malaaq Cabdiraxmaan Malaas Shiino oo ka mid ah waxgaradka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegay in ay soo gaartay akhbaarta ku aadan in uu cuntadii ka soomay Abu Mansuur.

Waxa uu sheegay in maamulka Koonfur Galbeed Sooomaaliya ee uu hoggaamiyo madaxweyne Cabdicasiis Lafta-gareen looga baahan yahay in arrintaan uu u howlgalo, islamarkaana baaritaano ay ku sameeyaan xaaladda wadaadka.

Malaaqa ayaa sheegay in odayaasha Koonfur Galbeed ay la hadleen Lafta-gareen iyo guddoomiyaha baarlamanka Maxamed Mursal Cabdiraxmaan, islamarkaana Lafta-gareen uu u xil saaray guddoomiye Mursal.

Cunto ka soomidda Roobow ayaa waxaa labadii bishan Caasimada Online u sheegay xubno ka tirsan Xisbiga Amniga iyo Cadaaladda oo ee hoggaamiyo Abuu Mansuur.

Sidoo kale, Nuunow Maxamed oo ka mid ah ehellada Sheekh Mukhtaar Roobow ayaa Idaacadda Kulmiye ee magaalada Muqdisho u sheegay in maanta ku seddax uu wadaadku ka sooman yahay cuntada.

“Sababta ma garan karno naloomana ogola inaan aragno balse waxaa nagula war geliyey in maalintii saddaxaad uu cuntada ka sooman yahay Sheekh Mukhtaar”. Ayuu yiri Nuunow.

Xubno ka tirsan Villa Somalia oo Caasimada Online ay xiriir la sameysay way beeniyeen in Roobow uu cuntada ka soomay.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku adkeysatay inaan lasii deyneyn Mukhtaar Roobow balse ay xubnaha IGAD kala shaqeeneyso bixinta diyada dadkii la laayey, taasoo keentay inuu cuntada ka soomo Roomow muddo saddex maalin ah, sida loo sheegay Caasimadda Online.

Wixii warar ah ee kusoo kordha arrintaan kala soco Caasimadda Online, Insha Allah.

Hoos ka dhageyso codka Malaaqa