Xaaf: “Hadda kadib wax aan aniga rabin kama soconayaan Galmudug”

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf  ayaa sheegay in Galmudug wixii hada ka dambeeya aysan ka soca doonin wax uusan raali ka aheyn.

Xaaf oo wareysi siiyey Idaacadda Kulmiye ee magaalada Muqdisho, isgoo jooga Gaalkacyo,  ayaa waxa uu sheegay markii hore howlaha maamulka uu ka wadi waayey dowladda dhexe, balse markii uu tanaasulay ay dowladdu sii burburisay wixii uu isagu dhisay labadii sano ee uu talada haayey.

Madaxweyne Xaaf ayaa Ra’iisul Wasaare Kheyre ku eedeeyey inuu bedelay qaar ka mid ah odayaashii saxda ahaa ee beelaha Galmudug.

“Maanta waxay mareysaa in odayaashii saxiixayaasha ahaa awoodii laga qaaday oo kuwo kale la keeno, caawa iyo berrina waxaa la rabaa in odayaashaas laga sixiixo 69-ka xildhibaan ee ka dhiman baarlamaanka Galmudug, markii laga reebo 20-ka Ahlu-Sunna oo iyaga lasoo magacaabay” ayuu yiri Xaaf.

Xaaf ayaa sheegay in labadii sano ee lasoo dhaafay Galmudug lagu haayey dagaal wajiyo badan leh, kaas oo hadafka ugu weyn uu ahaa in madaxda federaalku ay meesha madaxweyne iyo baarlamaan iyagu leeyihiin ay ka soo saartaan, taas oo uu sheegay inaysanba qarin oo ‘mar walba ay ku hadaaqaan’.

“Waa nasiib darro in Ra’iisul Wasarihii dalka oo laga rebay cadaaladda iyo u dhaxaynta dadka, inuu isagii inta Dhuusamareeb fariisto uu isku noqdo guddigii khilaafaadka, guddigii doorashooyinka iyo guud ahaanba isku duba ridaha Galmudug, taasina suurta gal ma aha aniga ayaa madaxweyne ka ah meeshaan wax aan dhiso mooyaane wax ka soo baxayana ma jirto” ayuu hadalkiisa sii raaciyey Madaxweyne Xaaf.

Xaaf ayaa sheegay in xalka Galmudug uu ku jiro inay Dhuusamareeb ka tagaan Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo wasiirkiisa arimaha gudaha, hadii kale ay noqon doonto in meesha la isku xag-xagto.

“Meeshaan marabo in dagaal iyo dhibaato ka dhacdo warkeyga waan cadeysanayaa waxaan rabaa in dowladda federaalka ay faraha kala baxdo Dhuusamareeb oo Ra’iisul wasaaha iyo wasiirka dadban ee arimaha gudaha ay meesha ka tagaan hadii kale meel la isku xag-xagto ayey noqonaysaa” ayuu yiri madaxweynaha Galmudug Xaaf.

Sidoo kale Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa sheegay in waqtigiisii xilheynta uusan dhamaan dastuurka maamulkana uu dhigayo in waqtiga xilheyntiisu ay tahay afar sano, isla markaana uu hada doonayo in dowladda federaalku ay faraha kala baxdo arimaha maamulkiisa, isaguna uu Ahlu-Sunna u tagayo si ay maamul loo dhanyahay u soo dhistaan.

Halkan hoose ka dhageyso wareysiga Xaaf