Baarlamaanka Galmudug oo dooranaya lix senator oo ka tirsan Aqalka Sare ee dalka

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Dowlad goboleedka Galmudug ayaa lagu wadaa in ay maanta ka dhacdo doorashada musharraxiinta u tartamaya kuraasta Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya u matali doonaa maamulkaas afarta sano ee soo socota.

Doorashada 6 kursi oo ka mid ah 8 kursi ee maamulku ku leeyahay aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta ka dhacay Dhuusamareeb waxaana la adkeeyay amaanka magaaladda gaar ahaan xarunta Baarlamaanka oo doorashadu ka dhacayso.

Ciidanka amaanka Galmudug, kuwa Faderaalka iyo Ciidanka AMISOM gaar ahaan kuwa Jabuuti ayaa ku sugan goobta loo qorsheeyay codaynta.

Guddiga qabashada Doorashada Aqalka sare ee Baarlamaamka Galmudug ayaa soo saaray Habraaca Doorashada Aqalka sare ee Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Galmudug kaasoo ay qodobadiisu yihiin kuwo ka adag habraacii maamul goboleedyada kale.

Qodobka ugu culus ee habraacan ayaa ah in aan cod gacan taag ah loogu codeyn musharaxii loo tanaasulo balse uu ka raadsado xildhibaanada cod kalsooni ah.

“Haddii musharax uu u tanaasulo musharax kale, waxaa qasab ku ah musharaxa loo tanaasuley in sanduuqa/cod qarsoodi ah loogu codeeyo oo hadii uu waayo 50+1 tirada guud ee Baarlamaanka Galmudug loo celiyo madaxwaynaha markale.”ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay guddiga qabashada doorashada Galmudug.

Doorashooyinkii ka dhacay magaalooyinka Baydhabo,Kismaayo iyo Garowe, ayaa musharixiinta qaar kood waxa ay u taasuleen mudane-yaashii la tarmaayay taas oo doorashada ka dhigtay waxa loogu yeeray “musharax iyo malxiiskiisa”.