Daawo: Rooble oo ka hadlay khilaafkii isaga iyo Farmaajo iyo u jeedka safarkiisa Kenya

Nairobi (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo caawa shir jaraa’id ku qabtay magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin, waxa ka jira in khilaaf kala dhaxeeyo madaxweyne Farmaajo, inay wadahadal ka galeen kiiska badda, qaadka iyo hanaanka uu doonayo in loo maro soo celinta xiriirka Soomaaliya iyo Kenya.

Ugu horeyn Rooble waxa uu yiri, “Doqoni halkii lagu dagaalay ayey ogeed ee meesha lagu heshiiyey ma oga, hadii aan lagu heshiin hoggaaminta dalku qar ayuu ka sii dhacayaa, sidaas darteed heshiis ayaan nahay aniga iyo madaxweynaha, waxa nasaaray waajib ah in dalka aan gaarsiino doorasho u dhacda si xasilooni ku jirto.”

Waxa uu sheegay in Madaxweynaha iyo maamul goboleedyadu ay ku aamineen hoggaaminta doorashada, sidaas darteedna uusan hadda ku jirin han siyaasadeed. “Wax khilaaf ah ma jiro, aniga iyo madaxweynaha warqadaheena waad aragteen, cid aan ataagay ama aan is khilaafsanahay ma jirto,” ayuu yiri Rooble.

Waxa uu sheegay in dalka Kenya uu ku noolaa 13-sano, isla markaana uu aaminsan yahay in Soomaaliya uu muhiim u yahay xiriirka Kenya oo wanaagsanaada.

“Halkaan uma imaan inaan wax saxiixo, waxaan u imid inaan dhayo dhaawacyadii gaaray xiriirka Soomaaliya iyo Kenya, umadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay kala joogto waxay ka mideysan tahay in dhulka iyo badda Soomaaliyeed ay yihiin lama taabtaan, maanta iyo berriba igama filaneysaan in heshiis aan ka galo badda oo waxaan sugeynaa jawaabta maxkamadda, saaxiibkey madaxweyne Uhuru isagoo i hor fadhiya ayaan idaas ugu sheegay,” ayuu yiri R/Wasaare Rooble.

Waxa uu balan qaaday inta uu xukunka joogo in uusan ogolaan doonin in wadahadal laga galo kiiska badda, “Soomaalidu maadaama ay Muslimiin wada tahay, qofkii la rabo in la suurad xumeeyo waxaa lagu tilmaamaa Murtad, hadda markii siyaasadda la joogo waxaa la yiraahdaa badda ayuu soo saxiixayaa, cid badaan inay saxiixdo ku dhiiran karta ma jirto,” ayuu yiri Rooble.

Sidoo kale waxa uu cadeeyey Rooble in safarkiisa uusan la xariirin Qaadka, balse uu Kenya u tegay howl-gelinta guddigii ka shaqeyn doona soo celinta xiriirka xumaaday ee labada dal.

“Wixii ka soo baxa wadaxaajoodka labada guddi ee Soomaaliya iyo Kenya, qaad haku jiro ama wax kale haku heshiiyaane, guddigaas wixii ka soo baxa wadaxaajodkooda ayaa noo go’aan ah,” ayuu yiri.

Sidoo kale Rooble waxa uu sheegay in madaxweynaha Kenya uu kala hadlay fududeynta dal ku galka, isla markaana arrintaas guddi loo xil saaray.

“Waxaa ila socda Taliyaha hey’adda Socdaalka Soomaaliya Koofi, waxaa loo balamiyey dhigiisa waana kulmaayaan, wixii ka soo baxa wadahadalkooda kheyr allaha nooga dhigo,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Ugu dambeyntii Ra’iisul wasaare Rooble waxa uu sheegay in maadxweynaha Kenya uu kala hadlay dhibaatooyinka ay Soomaaliya ka geystaan ciidamada ka socda dalkaas ee qeybta ka ah AMISOM, isla markaana ay isla qaateen, si looga baaqsado dhibaatada soo gaarta shacabka in la dejiyo siyaasad ay ku wada howlgalaan labada ciidan ee Soomaaliya iyo Kenya.

Hadalkaan ayuu Rooble ka jeediyey goob uu kula kulmay Ganacsatada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Kenya, kuwaas oo warbixin guud uu siinayey xaaladda uu dalka marayo, doorashada ka socota iyo ujeedka safarkiisa Kenya.

Hoos ka daawo