Badalidda Jaamac, ballamihii Imaaraadka, suurta-galnimada in la soo celiyo Cabdirisaaq

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre, ayaa isku shaandhayn taabatay illaa shan wasaaradood ku sameeyay golihiisa wasiirrada.

Wasiirrada Gaashaandhigga Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), Ganacsiga Jibriil Cabdirashiid Xaaji, Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Maxamuud Axmed Aadan (Geesood), ayaa loo kala beddelay xilalkooda; halka Wasiiradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Fardawso Cismaan Cigaal iyo Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Maxamed Barre Maxamed xilalka laga qaaday.

Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), oo ahaa wasiirkii ugu muddada dheeraa tan iyo dib-u-yagleeliddii dowladda Soomaaliyeed ee Shirkii Carta, ayaa xilka laga wareejiyay, balse weli wuxuu haystaa furaha muhiimka ah ee sii ahaanshihiisa maamulka Madaxweyne Xasan Sheekh, isagoo lagu maslaxay Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda.

Inkastoo isku shaandhayntani timid maalmo un kaddib safarkii uu madaxweynuhu ku tegay Imaaraadka Carabta, waxay xanbaarsan tahay afar fariimood oo muhiim ah: fulinta ballamaha Imaaraadka, mudnaan-siinta xiriirka Turkiga iyo dhaqangelinta Baaqii Ankara, iyo isku shaandhayn kale oo jidka ku soo jirta.

Fulinta ballamaha Imaaraadka

Safarkii aan weli Madaxtooyadu wax war ah kasoo saarin ee Madaxweyne Xasan Sheekh ku tegay Imaaraadka, waxaa uu kala hadlay sidii dib loogu soo celin lahaa taageeradii dhaqaale ee ay siin jireen dowladda.

Sida ay sheegayaan ilo wareedyo xog-ogaal ah, Imaaraadka Carabta ayaa hore u hakiyay taageeradii dhaqaale ee ciidanka Soomaaliya kadib dhacdadii Xerada Janaraal Gordon ee Muqdisho, iyadoo ay ka cabanayeen hab-maamulka lacagahaas. Balse waxay hadda ballanqaadeen inay dib u bilaabayaan taageeradaas haddii wax-ka-beddel lagu sameeyo maamulka Wasaaradda Gaashaandhigga.

Ballanqaadkaas ayaa durba u muuqda inuu dhaqangelay, inkastoo soo afjaridda khilaafka Jubbaland iyo dowladda dhexe uu yahay shuruud kale oo muhiim u ah sii socoshada kaalmadaas dhaqaale ee Imaaraadka.

Si kastaba, isbeddelka Wasaaradda Gaashaandhigga kuma koobna oo keliya tabashada Imaaraadka, balse waxaa jiray hoos-u-dhac ku yimid wada shaqayntii Mareykanku la lahaa Wasaaradda Difaaca, taas oo Madaxweynaha ku qasabtay inuu qaato go’aan aanu raalli ka ahayn oo ah in wasiirkii ugu dhawaa hoostiisa lagala baxo.

Mudnaan-siinta xiriirka Turkiga

Arrin kale oo muhiimad gaar ah leh ayaa ah dhaqangelinta heshiiskii Ankara ee Soomaaliya iyo Itoobiya. Booqashadii Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ee Muqdisho iyo war-murtiyeedkii kasoo baxay ayaa lagu sheegay in labada dal ay iska kaashan doonaan dhismaha kaabeyaasha dhaqaalaha, iyadoo Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibedda Cali Cumar (Balcad) xaqiijiyay in Itoobiya la siin doono deked laga adeegsado Badweynta Hindiya.

Haatan Wasaaradda Dekedaha ayaa loo dhiibay wasiir xiriir wanaagsan la leh dowladda Turkiga. Tan ayaa kusoo aadaysa iyadoo Soomaaliya iyo Itoobiya ay leeyihiin kulamo farsamo oo lagu hirgelinayo heshiiskii Ankara, waxaana la filayaa inuu wasiirka cusub soo jiido kalsoonida dowladda Turkiga, si loo horumariyo dekedaha muhiimka u ah Itoobiya sida Garacad iyo Hobyo.

Saami-qaybsiga beesha Shanaad iyo haweenka

Waxaa sidoo kale muhiim ah in fiiro gaar ah loo yeesho qaabka dowladda Soomaaliya ay xilka uga qaaday Wasiiraddii Duulista Hawada Fardawso Cismaan Cigaal, taasoo sii wiiqaysa matalaadda haweenka ee dowladda. Hore waxaa buuq siyaasadeed u abuuray markii Jeneraalka Ciidamada Qalabka Sida, Bashiir Maxamed Jaamac (Goobe), loo magacaabay Wasaaradda Haweenka.

Sidoo kale, saami-qaybsiga Beesha Shanaad ayaa muujinaysa in dowladda aanay ahmiyad siin, kaddib markii Wasiirkii Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Maxamed Barre Maxamed xilkiisa loo dhiibay Maxamed Cabdulqaadir Cali, kaas oo isku saami yihiin Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Sacdiyo Yaasiin Xaaji. Wasiirka cusub ayaa sidoo kale xidid la ah qoyska Madaxweynaha, taas oo sii xoojinaysa eedaymaha ku saabsan xigteysiga iyo qaraabo-kiilka ee Madaxtooyada lagu eedeeyo.

Dhamaystirka isku shaandhaynta

Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in isku shaandhayn kale oo taabanaysa Wasaaradaha Arrimaha Dibedda, Arrimaha Gudaha, Amniga Gudaha iyo Macdanta iyo Batroolka la filayo toddobaadyada soo socda. Waxaa la filayaa in wasiirkii hore ee Batroolka, Cabdirisaaq Cumar Maxamed, dib loogu soo magacaabo wasaarad kale.

Tallaabadan ayaa lagu sheegay inay tahay mid ay ka shaqeeyeen Guddoomiyaha Golaha Shacabka Aadan Madoobe, ku-xigeenkiisa koowaad Sacdiyo Yaasiin iyo Habdhowraha Golaha Shacabka, Nuux, kuwaas oo dhammaantood saaxiib dhow la ah wasiir Cabdirisaaq, kuna heshiiyay in Madaxtooyada laga ilaaliyo culays kaga yimaada Golaha Shacabka.

Ugu dambayn, Madaxtooyadu waxay qaadatay siyaasadda qancinta dhinacyada badan, iyadoo hal dhagax ku disha dhawr shimbirood sida qancinta Imaaraadka, dhawrista xiriirka Turkiga iyo ka hortagga culaysyada kaga iman kara Golaha Shacabka. Waxaa haddaba isweydiin mudan sida Madaxweyne Xasan Sheekh uu isku dambiil ugu wada hayn doono Taliyaha Nabadsugidda Cabdullaahi Sambalooshe iyo Wasiirkii hore ee Batroolka Cabdirisaaq Cumar Maxamed.