Waa kuma Agaasimaha cusub ee bankiga adduunka u qaabilsan Soomaaliya?

Muqdisho (Caasimada Online) – Keith Hansen oo ah garyaqaan u dhashay dalka Mareykanka ayaa waxaa laga bilaabo 8-da bishan September loo magacaabay inuu noqdo agaasimaha Bangiga Adduunka ee dalalka Kenya, Rwanda, Somalia iyo Uganda.

Keith oo ah aqoonyahan leh khibrad 30 sano ayaa bedalaya Carlos Felipe Jaramillo, kaas loo wareejiyey inuu noqdo ku xigeenka Bangiga Adduunka ee Latin America.

Qoraal ka soo baxay Bangiga Adduunka ayaa waxaa lagu sheegay in Keith Hansen uu gacan ka geysan doono, sidii loo gaari lahaa koboc dhaqaale iyo yareynta saboolnimada.

Magacaabistan ayaa timid xilli wadamada Kenya, Rwanda, Somalia iyo Uganda ay wajahayaan saameyn dhaqaale oo ka dhalatay cudurka faafa ee Coronavirus.

Agaasimaha cusub ayaa horey shaqooyin iyo xilal kala duwan uga soo qabtay Bangiga Aadduunka, waxaana hadda la filayaa inuu xoogga saaro ka soo kabashada cudurka safmareenka ee Covid-19.

M. Keith Hansen wuxuu saldhiggiisu uu noqon doonaa magaalada Nairobi ee caasimada Kenya.

Bangiga Adduunka ayaa si weyn u taageero dowladda federaalka Soomaaliya, isaga oo dhowaan ugu deeqay lacago badan oo wax looga qabanayo arrimaha bani’aadanimada.