Beesha caalamka oo war kasoo saartay doorashadii madaxweyne Guudlaawe

Muqdisho (Caasimada Online) – Beesha Caalamka ayaa qoraal ay ka soo saartay doorashadii dhawaan ka dhacday caasimadda dowlad goboleedka HirShabeelle, waxay ku shaacisay inay si dhaw ula socotay, xilli madaxweyne Cali Guudlaawe uu sheegay in beesha caalamka aysan door ku laheyn doorashadii uu ku soo baxay.

Qoraalka beesha caalamka waxaa lagu sheegay inay la socdeen heerarkii kala duwanaa ee ay soo martay doorashada maamulkaas, isla markaana ay hadda si dhow ula socdaan u diyaar-garowga doorashooyinka heer federaal ee deeganada HirShabeelle.

“Saaxiibbada beesha caalamka ee Soomaaliya waxay si dhow ula socdeen dhisiddii golaha baarlamaanka labaad ee Dowlad Goboleedka Hirshabelle. Doorashadii madaxweynaha ee dhowaan ka dhacday Dowlad Goboleedka iyo u diyaargarowga socda ee loogu jiro doorashooyinka federaalka Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Madaxweynaha cusub ee HirShabeelle Cali Xuseen Guudlaawe ayaa dhawaan magaalada Jowhar ka sheegay in doorashadii ka dhacday maamulkaas ee isaga madaxweynaha loogu doortay aysan wax door ah ku laheyn beesha caalamka, balse hadda kadib maamulkiisu uga baahanyahay garab istaag.

Qoraalkan ka soo baxay beesha caalamka ayaa maadxweyne Cali Guudlaawe loogu balan qaaday garab istaag iyo xal u raadinta caqabadaha ku hor gudban maamulkas cusub.

“Waxaan ku hanweynahay inaan Madaxweynaha Hirshabelle ee dhowaan la doortay Cali Guudlaawe kala shaqeyno horumarinta dib u heshiisiinta, isu keenidda dhammaan beelaha iyo bulshada reer Hirshabelle, la dagaallanka xagjirnimada rabshadaha wata iyo wax ka qabashada arrimaha dowlad-dhisidda iyo dhaqan-dhaqaale ee hortabinta u leh HirShabelle,” ayaa lagu yiri qoraalkan.

War-saxaafadeedkan waxaa wadajir u soo saaray dowladaha iyo ururrada kala ah, Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Canada, Denmark, Jabuuti, Itoobiya, Midowga Yurub, Finland, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Talyaaniga, Japan, Kenya, Holand, Norway, Qadar, Iswiidhan, Iswisarland, Turkey, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka, iyo Qaramada Midoobay.